"Faysal Cali Waraabe isagaa bilaabay qabyaalada barrigii uu khilaafku ka dhex jiray xisbigiisa, isagaa odhan jiray reer baa leh iyo anigaa leh UCID, waa Huteelka Maansoor oo kale

0
Tuesday June 10, 2014 - 07:53:40 in by Super Admin
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Faysal Cali Waraabe isagaa bilaabay qabyaalada barrigii uu khilaafku ka dhex jiray xisbigiisa, isagaa odhan jiray reer baa leh iyo anigaa leh UCID, waa Huteelka Maansoor oo kale

    Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Guddoomiyaha xisbiga UCID ku eedeeyay inuu aabo iyo hooyaddaba u yahay qabyaalladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Guddoomiyaha xisbiga UCID ku eedeeyay inuu aabo iyo hooyaddaba u yahay qabyaalladda

 isla markaana uu xisbi dhan u nisbeeyay inuu reer leeyahay.

Xildhibaanku waxa uu kale oo uu jawaab kulul ka bixiyay hadallo deel-qaaf ah oo Faysal Cali Waraabe u jeediyay Xukuumadda Somaliland.


Md. C/Raxmaan Dheere oo shalay u waramayay wargeyskaDAWAN, ayaa waxa uu Faysal Cali Waraabe dusha u saaray inuu aabo u yahay qabyaalada, waxaana uu tilmaamay in Faysal hore u sheegay in xisbiga UCID in reer leeyahay wakhtigii khilaafku ka dhex aloosnaa xisbigaasi ee maxkamadda ay isla galeen labadii Garab ee ay kala Hoggaaminayeen Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi.


"Faysal Cali Waraabe isagaa bilaabay qabyaalada barrigii uu khilaafku ka dhex jiray xisbigiisa, isagaa odhan jiray reer baa leh iyo anigaa leh UCID, waa Huteelka Maansoor oo kale, waxaanan leeyahay Faysaloow qabyaaladii aad dhigtay ayuun baa taalla, waxaanan ku odhan lahaa oo waajib innaga saaran yahay in laga koriyo dadka qabyaalada,”ayuu yidhi Xildhibaan C/Raxmaan Cismaan Caalin.


Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in kooxda siyaasiyiinta ah ee la baxay madasha wada tashiga aanay u hadlin sidii niman siyaasiyiin ah oo karaamo dalka ku leh, waxaanu gaashaanka ku dhuftay baaq ay dhawaan soo saareen oo la xidhiidhay in dalka laga sameeyo dawlad ku meel gaadh ah, taasi oo aan sharciga wadanka meelna kaga oolin. "Nimanka Madasha marka aad u fiirsato hadalladooda kuma hadlaan sidii niman siyaasiyiin ah oo dalkan rajo ka qaba oo karaamo ku lahaan jiray sidoodii uma hadlaan, wax ku dhacayna garan maayo raggii milgaha ku lahaan jiray dalkan,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Dheerre.

Xildhibaanku waxa uu baaq tallo ah hawadda u mariyay kooxda Madasha oo uu ku booriyay inay bedelaan hab-dhaqankooda siyaasadeed, waxaanu yidhi "Waxaanan leeyahay waar dadka idin kama qabato waxyaabahan aad ku fikiraysaan, siyaasiyiina waad tihiin oo xaq baad u leedihiin in berito mustaqbal ku yeelataan laakiin imika sida aad u socotaan waxaan idin leeyahay ka waantooba.”


Xildhibaan Caalin waxa kale oo uu soo dhaweeyay go’aankii gudidii Golaha Guurtidu ku soo afjartay khilaafkii xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi "Waa guul u soo hoyotay Somaliland iyo xisbiga KULMIYE gudihiisa, waxaanan aad u hambalyeynayaa gudidii Golaha Guurtida ee ka midho dhalisay khilaafkaas ee sida geesnimadda ahayd ee ay u soo bandhigeen, khilaafkiina u soo afjareen ayaan ku hambalyeynayaa.”


"Waxa kale oo aan hambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland sidii sharafta lahayd ee uu u qaatay wixii Guurtida soo gaadhay iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo isna aqbalay go’aankaa Guurtidu ku dhawaaqday, waxaanay ahayd wax lagu farxo,”ayuu intaas raaciyay Xildhibaan C/Raxmaan Cismaan Caalin. 


Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi "Dad badan ayay rajadoodu ku xidhnayd khilaafka KULMIYE laakin mar kasta way ku khasaaraan waxaanay odhan jireen shirweynuhu marka la galo wuu burburayaa KULMIYE manaanay dhicin. Waxaan qabaa in meeshii khilaaf ka jiraa tahay meel shaqo ka socoto.”





Xigasho DAWAN