Dawladda Ingiriiska Oo Qabanaysa Shir Lagaga Hadlayo Tacadiyada Haweenka Loo Gaysto.

0
Tuesday June 10, 2014 - 08:33:13 in by Super Admin
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska Oo Qabanaysa Shir Lagaga Hadlayo Tacadiyada Haweenka Loo Gaysto.

    Shirkan oo ka furmi doona magaalada London ayaa waxa ka so qayb-gali doona dowlado badan oo caalamka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo ka furmi doona magaalada London ayaa waxa ka so qayb-gali doona dowlado badan oo caalamka ah


 iyo dhamaan hay’adaha daneeya arimaha xuquuqul-insaanka  oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay ,iyada oo looga hadli doono  arimo ku aadan kufsiga dumarka loo gaysto.

 

Wuxuu socon doonaa muddo afar maalmood ah ,waxaana lagu wadaa in lagu soo hadal-qaado sidii adduunka looga yarayn lahaa kiisaska kufsiga oo aad ugu sii kordhayay wadamada colaaduhu ay ka jiraan sida lagu xusay war –hodhac ah oo laga soo saaray kulankan

"Inaan si wada jir ah uga hortagno  arintan ayaa inoo  muhiim ah innaga oo dhan ,waayo dumarka iyo gabdhaha yar-yar ayaa markasta wajaha dhibka "ayey tiri Liesl Gerntholtz oo madax ka ah  qaybta haweenka ee hay’adda Human Rights Watch,

Xog-hayaha arimaha dibadda Ingiriiska William Hague ayaa ololaha qabashada shirkan soo bilaaaby muddo laba sano ka hor ah si fiiro gaar ah loogu yeesho kufsiga ,isla markaana la isla fahmo khataraha ka dhalan kara iyo sidii looga digtoonaan lahaa.

Waxaa si gaar ah shirkan loogu casuumay madax matalaysa wadamada kala ah Somalia Afghanistan, Central African Republic, Colombia, Democratic Republic of Congo, Cote D’Ivoire, Guinea, Libya iyo waliba Siiriya si ay uga hadlaan khibradda ay u leeyihiin tacadiyda loo gaystay dumarka dalalka ay matalayaan.

Ilaa iyo sanadkii 2011-ka waxaa Human Rights Watch ay diiwaan galisay kufsiyo ka dhacay xeryaha qaxootiyada ee magaalada Muqdisho waxaana laga dalban doonaa dowladda hadda jirta in ay tallaabooyin rasmi ah ka qaaddo dhacdooyinka caynkaas oo kale ah.

Ugu danbayntii Gerntholtz ayaa sheegtay in ay jiraan horumarro laga gaaray dhinaca wacyi galinta gaar ah goobaha ay colaaduhu ka jiraan oo ay Soomaaliya ku jirto sida ay xustay ,iyada oo ku baaqday in loo istaago sidii arimahan looga hortagi lahaa.






Contact@afkashacabka.com