
Abwaan Ubaxle oo Maanso uu ku bogaadinayo Shebekedda Afkashacabka.com soo saaray
Afka-shacabku waa
Rugta laga akhriyo
Ifaafaalihiyo
Aragtida bulshada
Waa udub dhexaad
Indheer garadka iyo
Aqoonyahanaduba
Ay kusoo hirtaan
Afka-shacabku waa
Rugta laga akhriyo
Ifaafaalihiyo
Aragtida bulshada
Waa udub dhexaad
Indheer garadka iyo
Aqoonyahanaduba
Ay kusoo hirtaan
Afka-shacabku waa
Ehelkii warkiyo
Aabbah fankiyo
Isha wararka sugan
Lagu ururiyoo
Aragtida saxda ah
Laga wada akhriyo
Afka-shacabku waa
Aloosaha runtiyo
Ururshaha sirtiyo
Ogaansha warkaba
Midka ugu af-dheer
Afka-shacabku waa
Adduunkoo dhaniyo
Ummaddeenu tay
Intifaacsatoo
U adeegta oo
Afka hooyo iyo
Ereygii sanbaa
Astadeedu tahay
Afka-shacabku waa
Isha laga akhriyo
Axaadiista iyo
Aayadaha quraan
Alle lagu xusee
Iimaanka jecel
Afka-shacabku waa
Asaaska dhaqan
Suugaan ab hore
Halka ururusee
Uma daymo li in
Abwan Abdirahman Mohmed Ali UBAXLE
Burco Somaliland





0 

Abwaan Ubaxle oo Maanso uu ku bogaadinayo Shebekedda Afkashacabka.com soo saaray
Afka-shacabku waa Rugta laga akhriyo Ifaafaalihiyo Aragtida bulshada Waa udub dhexaad Indheer garadka iyo Aqoonyahanaduba Ay kusoo hirtaan