Laba Ciyaartoy Oo Ciyaartoy Oo Premier Leaque-ga Ka Ciyaara Oo Ka Been Sheegay Dhaawacyo Ayna Qaban Si Ay U Seegaan Kulmada Qaramadooda Iyo FIFA Oo Ganaax Ku Soo Rogaysa
Victor Moses iyoIsaac Success ayaa dhaawacyo been abuur ah ku seegay waajibaadka xulka qarnkooda Nigeria taas oo haddii danbigan lagu helo keenaysa in FIFA ay ka ganaaxdo kulamada premier Leaque-ga.Victor Moses oo dhawaan qayb ka noqday shaxda Antonio Conte ayaa doortay in uu seego kulamadii xulka qarankiisa isaga oo la sheegay in uu cudur daar ka dhigtay dhaawac aan jirin si la mid ahIsaac Success.
Victor Moses ayaa ganaax ku seegi kara kulanka ay Chelsea la ciyaari doonto kooxda Leicester City kadib been abuurka uu ka sameeyay dhaawac aanu qabin si uu uga baxsado in looga yeedho xulka qarankiisa Nigeria kulamada isreeb reebka koobka aduunka la ciyaarayay Tanzania iyo Zambia.
Ilwareed Nigeria ah ayaa sheegtay:"Waanu ognahay in labada ciyaartoy ay kulamo fiican soo qaateen isla markaana aanu jirin wax calaad dhawaacyo ahi intii lagu guda jiray kulamadan. Wax layaab ah ayay noqotay in xili danbe la maqlay in Moses uu dhaawacan yahay oo aanu diyaar u noqon doonin kulanka halka Success uu dhamaystay kulankii kooxdiisa inta aanu ku caban dhaawac”.
Qoraalka ayaa la sii raaciyay in Moses iyo Success haddii danbigan lagu helo ay ciqaab mari doonaan waxaana hadalka la sii raaciyay:"Daacad ahaantii, ma noqon doonaan kuwo aan la ciqaabin haddii baadhitaankayagu uu soo saaro waxa aanu ka shakisanahay. Waxaanu tixgalinaynaa in aanu FIFA u qorno cabasho haddii aanu helno in kooxahoodu ay si sir ah ugu ogolaadeen in ay iska dhigaan kuwo dhaawac qaba si ay u maqnaadaan”.
Laba Ciyaartoy Oo Ciyaartoy Oo Premier Leaque-ga Ka Ciyaara Oo Ka Been Sheegay Dhaawacyo Ayna Qaban Si Ay U Seegaan Kulmada Qaramadooda Iyo FIFA Oo Ganaax Ku Soo Rogaysa
Xidiga kooxda Chelsea eeVictor Moses iyo gool dhaliyaha kooxda Watford ee Isaac Success ayaa ganaa kala kulmi kara xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA kadib markii la shaaciyay in ay ka been sheegeen dhaawacyo ayna qabin si ay u seegaan waajibaa