Liverpool vs Manchester: Wararkii U Dambeeyey Ee Ciyaarta Caawa Iyo Milicsiga Taariikhda Cajiibka Ah

0
Monday October 17, 2016 - 14:20:26 in by Burco Office
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool vs Manchester: Wararkii U Dambeeyey Ee Ciyaarta Caawa Iyo Milicsiga Taariikhda Cajiibka Ah

    Fiidnimada caawa ayay labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester United foodda isku dari doonaan garoonka Anfield ee ay leedahay kooxda Liverpool, halkaas oo ay u daawasho tegayaan dad aad u badan iyo malaayiin kale oo kala socon doona shaashadaha du

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fiidnimada caawa ayay labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester United foodda isku dari doonaan garoonka Anfield ee ay leedahay kooxda Liverpool, halkaas oo ay u daawasho tegayaan dad aad u badan iyo malaayiin kale oo kala socon doona shaashadaha dunida dacalladeeda.


Wararkii u dambeeyey iyo dhaawacyada:

Liverpool:Laba ciyaartoy oo muhiim ah ayaa seegaya kulankan qiimaha badan, kuwaas oo kala ah Adam Lallana oo ku dhaawacmay ciyaartii u dambaysay ee kooxdiisa ee toddobaadkii hore iyo Georginio Wijnaldum oo xulka qaranka Netherlands ku dhaawacmay. Laakiin, war wanaagsan ayaa waxa uu yahay in ay caafimaad qabaan Nathaniel Clyne iyo Dejan Lovren oo shaki ku jiray inay ciyaari doonaan. Sidoo kale, Emre Can ayaa diyaar u ah inuu buuxiyo booska khadka dhexe, ciyaartiisii u horreysay ee horyaalka premier League ee xili ciyaareedkanna safan doona.

Manchester United: waxa dib ciyaaraha ugu soo noqday Henrikh Mkhitaryan iyo difaacyahanka Luke Shaw oo dhaawacyo kala duwan qabay, laakiin ciyaarta caawa doonaya inay wakhtigooda helaan. Ciyaartoyga kaliya ee Manchester United ka dhaawacan waa Phil Jones oo wakhti dheer u jiifay dhaawac.

Odhaahda Labada Macallin

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp:Waxa uu sheegay in ka sokow, liiska kala sarraynta iyo halka ay kooxahani ku jiraan, in sideedaba ay muhiim tahay ciyaartani, marka la eego taariikh ahaan iyo waxyaabaha cajiibka ah ee dhaca, ayna u sii dheer tahay in dunida oo dhan laga daawan doono. Laakiin, waxa uu tibaaxay in kooxdiisu ay diyaar u tahay, sharafna ay isaga shakhsiyan u tahay inuu qayb ka noqdo ciyaartan sida weyn loo sugayo.

Manchester United ayuu ku tilmaamay koox awood badan oo ay ka buuxaan ciyaartoy tayo leh, laakiin maadaama la joogo Anfield, ay arrintu weji kale yeelanayso oo ah in jewiga ay beddeli doonaan taageereyaasha Liverpool oo dhamaantood la filayo inay shaadhka kooxdooda soo xidhaan markay garoonka soo gelayaan.

Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho:Waxa uu sheegay in ay walaac ku hayso qaylada ay samayn doonaan taageereyaasha Liverpool oo saamayn ku yeelan doona ciyaartoygiisa, laakiin khaladaadka, waxyaabaha qariibka ah ee dhaca iyo arrimo kale ayuu tibaaxay inay dhacaan mararka qaarkood, balse ay tahay in si togan loo eego. Waxa uu ciyaartoygiisa uga digay in ay saamayn ku yeelato waxyaabaha ka dhacaya garoonka, iyo sidoo kale digniin duur-xul ah oo uu garsoorka ugu sheegayo in uu iska ilaaliyo in uu wax aan habboonayn go’aamiyo.

Xaqiiqada ciyaarta

Fool-ka-fool

  • Haddii Liverpool laga badiyo, waxay noqon doontaa markii koowaad ee saddex jeer oo isku xigta horyaalka Premier League ay Manchester guul gaadho tan iyo bishii January ee 2015.
  • Manchester United ayaa guuleysatay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ay isaga hor yimaaddeen Liverpool, sidoo kalena sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey, toddoba waxa badisay United.
  • Haddii Liverpool laga badiyo, waxay noqonaysaa guul-darradii 4aad oo xidhiidh ah ee ay Manchester u xambaariso, waxaana ka horreysay shan jeer oo hore oo xidhiidh ah oo ay Manchester badisay tan iyo March 2008.
  • Liverpool waxa laga badisay 67 ciyaarood oo horyaalka ah oo ay Manchester iska hor yimaaddeen, waana kooxda ugu badan ee ay Manchester ka badiso waddanka Ingiriiska.
  • Barbar dhac ay galaan labada kooxood tartamada horyaalka Ingiriiska gudihiisa, waxa ugu dambaysay October 2011, markaas oo ay ku kulmeen garoonka Anfield.
  • Steven Gerrard ayaa ah ciyaartoyga ugu badan ee kulamada labadan kooxood goolal ka dhaliya, waxaana uu dhaliyey siddeed gool. Wayne Rooney iyo Robbie Fowler oo ku soo xiga ayaa min lix gool dhaliyey.

Liverpool

  • Liverpool waxay doonaysaa in ay kulankeedii shanaad ee horyaalka Premier League ay badiso xili ciyaareedkan bilowga ah, waana guulihii ugu badnaa tan iyo bishii March 2015.
  • Tan iyo markii Jurgen Klopp loo magacaabay tababaraha Liverpool, October 2015, waxay kooxdiisu dhalisay 73 gool iyo in ay taariikhda markii ugu horreysay kooxaha ka gacan sarrayso. Celcelis ahaan, ciyaar walba waxay haysataa kubbadda 58.8 boqolkiiba.
  • Siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Liverpool way ku fashilantay inay shabaqeeda ilaashato.
  • Klopp hal mar ayuu guul-darraystay shan jeer oo ay iska hor yimaaddeen Jose Mourinho. Saddex wuu guuleystay, midna barbar dhac ayey galeen.
  • James Milner ayaa ah ciyaartoyga saamayn badan. 21 gool oo ay kooxdiisu dhalisay ayuu lug ku lahaa xili ciyaareedkan bilowga ah. Sagaal gool ayuu dhaliyey, 12 kalena caawiye ayuu ka ahaa.

Manchester United

  • Jose Mourinho wiilashiisu hal mar oo kaliya ayey guuleysteen afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana laga dhaliyey toddoba gool.
  • Wayne Rooney, waxa uu haystaa 87 gool oo uu meel ka baxsan garoonka Old Trafford ku dhaliyey horyaalka Premier League, waxaana ay siman yihiin ruug-caddaagii Alan Shearar.
  • Marka la barbar dhigo dhibcaha ay Manchester haysato wakhtigan iyo kuwii xili ciyaareedkii marxaladdan oo kale, saddex dhibcood ayey hoos u dhacday. Louis van Gaal wakhtigan oo kale wuxuu haystay 16 dhibcood.
  • Marcus Rashfrod 12 gool ayuu u dhaliyey kooxdiisa United tan iyo markii uu kooxda koowaad ka mid noqday 25 February 2016, waxaana uu afar gool ka sarreeyaa ciyaartoyga ugu soo dhow ee kooxdaas.