Golaha Guurtida oo laba codsi oo is burinaya 2maalmood gudahood u kala diray Golaha wakiilada

0
Wednesday February 19, 2014 - 07:57:34 in by Super Admin
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida oo laba codsi oo is burinaya 2maalmood gudahood u kala diray Golaha wakiilada

    iyo Shirkii Golaha wakiilada ee guddomiye cirro dib u dhigay oo Berri Arbacada Furmaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Shirkii Golaha wakiilada ee guddomiye cirro dib u dhigay oo Berri Arbacada Furmaya

H argeysa (Afkashacabka)Golaha Guurtida Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyay dhexdhexaadin ka dhex waday labadii garab ee ku kala jabay Moodhinadii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa hore u soo dhigay Fadhigii Golaha Wakiilada ee ay codsiga Dib ugu riixeen.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalkaasi Md. Siciid Jaamac Cali oo ku saxeexnaa Go’aanka Golaha Guurtida ayaa sheegay in dalabkoodii hore ee ahaa in dib loogu dhigo Fadhiga Aqalkaasi ay ka laabteen, una muddeeyeen in Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay isugu yimaadaan Aqalkooda maalinta Berri oo arbaca ah.

Si cad uma shaacin Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali xalka ugu dambeeya ee khilaafkii ay Mudaneyaasha Golaha Wakiiladu u maaro waayeen, kaas oo ay miciin u bideen Golaha Guurtida.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa qoraal uu si wada jir ah ugu diray Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo labadiisa ku xigeen kagana dalbanayo in fadhigii la isugu soo laabto maalinta berri ah e Arabacada ayaa u dhignaa sidan :

Dhinaca Kale Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland, Ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Golahaasi ayaa shalay soo saaray codsi uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ugu soo jeediyay in dib loo dhigo fadhigaasi, codsigaas ayaa u dhignaa sidan

In kasta oo ay gudiyadii labada garab ee Aqalka Wakiiladu u ogolaadeen Golaha Guurtida Somaliland in ay dhexdhexaadintooda ku qanci Doonaan hadana waxa soo baxaya warar sheegaya in Golaha Guurtidu ay soo go’aamiyeen in cod lagu soo afjaro khilaafkii Golaha Wakiilada ee Gacan Ka Hadalka Ka gaadhay.

Go'aankan ayaa suuro gal ka dhigi kara in cod aqlabiyad ah lagag Takhaluso Guddomiyaha, balse lama hubo in goluhu ka so wada qaybgeli doono oo fadhigaasi sidii caadiga ahayd u qabsoomi doono iyo in go'aan kale ay ka gaari doonaan Garabka ay taladu ku ciirsantahay wakhtigan ee Guddomiye Cirro.



Afkashacabka.com
Hargeysa/Somaliland