"Khaatumo, Waxa illaa Hadda Gacanta Ku Haya Qurba-joogta" Dr. Cali Khaliif Galaydh

0
Thursday June 12, 2014 - 07:55:58 in by salman abdi
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Khaatumo, Waxa illaa Hadda Gacanta Ku Haya Qurba-joogta" Dr. Cali Khaliif Galaydh

    Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah aasaasayaasha kooxda la baxday Khaatumo ee shirku uga socdo degmada taleex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah aasaasayaasha kooxda la baxday Khaatumo ee shirku uga socdo degmada taleex

ayaa khudbad uu ka jeediyay shirkaasi ku sheegay in kooxda Khaatumo ay ku tiirsan tahay qurba-joogta reer Sool.

Cali Khaliif, waxa uu tilmaamay inaan ilaa hadda kooxdaasi aanay ka maarmin dhaqaalaha ay qurba-joogtu ku taageeraan dhaqdhaqaaqyada kooxdaasi ka waddo gobolka Sool iyo Buuhoodle.

Galaydh, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi "Waxaan doonayaa inaan u mahadnaqo qurba-joogta Khaatumo ee dibadaha jooga, ee arrinta Khaatumo ilaa imika gacanta innagu haya, welina kamaynaan gudhin oo iyagaa gacanta innagu haya” ayu yidhi


Dr. Galaydh, oo sii hadlaya ayaa sheegay "hadday halkan (Shirka Taleex) wax ka toosaanna inay dedaalka ka sii badin doonaan, waxayna mudan yihiin in laga war hayo haddii aanay u suurto-galin inay si xoogle uga qayb-galaan shirka Taleex..” ayuu yidhi.






Afkashacabka.com

Laascaanood /Office

Contact@afkashacabka.com