Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Adduunka Ee Brazil vs Croatia.

0
Thursday June 12, 2014 - 11:42:46 in by Super Admin
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Adduunka Ee Brazil vs Croatia.

    MAXAA KA CUSUB CAYAARAHA KOOB ADDUUNKA SANNADKAN? iyo weliba wakhtiga ay bilaabmayso cayaartu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAA KA CUSUB CAYAARAHA KOOB ADDUUNKA SANNADKAN? iyo weliba wakhtiga ay bilaabmayso cayaartu

Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Adduunka Ee Brazil vs Croatia.


Kulanka: Brazil v Croatia

Garoonka: Arena de Sao Paulo, Sao Paulo

Waqtiga ciyaarta: 11pm caawa saacada geeska Afrika

Garsoore: Yuichi Nishimura, Japan

Waqtiga xaflada furitaanka: 9:15pm saacada geeska Afrika

Ka dib 820 kulan oo isreebreeb ah oo ay ka qeybqaatee 202 xul, wadanka caanka ku ah ciyaarta quruxda badan ayaa ugu danbeyn diyaar ah, si ay ugu martigelinayaan dhacdada kubadeed ee ugu weyn dunida.

Dhamaan dooda ku saabsan in haddii lacagta la geliyay Koobkii Adduun ee ugu qaalisanaa taariikhda ay aheyd in lagu bixiyo meelo kale oo looga baahi badan yahay, hadana jaceylka ay dadka reer Brazil u qabaan kubada cagta ayaa baabi’in doona mudaaharaadkooda marka ay xulkooda qaranka uu bilaabo inuu garoonka soo galo.

Taasna waxa ay dhacday 12 bilood ka hor markii Brazil ay ku guuleysatay Condefederations Cup islamarkaana xulka uu soo celiyay astaantii qaranka iyo aaminaada shacabka/

Tababaraha xulka Brazil Luiz Felipe Scolari oo Brazil ku hogaamiyay Koobkoodii Adduun ee ugu danbeysay 2002, waxa uu hore u sheegay in boqolkiiba 100 uu kalsooni ku qabo in Brazil ay ku guuleysan doono koobka xagaagan, waxaana uu ku jiray xaalad kalsooni shalayto markii uu ka hadlayay kulanka Croatia.

"Dhamaan dadka reer Brazil waxaan doonayaa inaan idiin sheego in waqtigii uu yimid. Koobkaan waa Koobkeenii Adduun.” Ayuu yiri.

"Waxaa jira todoba jaranjaro. Jaranjarada koowaad waa Croatia. Ka dib waxaa inoo haray lix kale oo aan dooneyno inaan kor u fuulno haddii aan dooneyno inaan ku guuleysano Koobka Adduunka.”

 

Ma jiro taariikhda xulka martigelinaya Koobka Adduunka oo laga badiyo kulankooda ugu horeeya, laakiin Croatia ayaa rajeyneysa inay taariikhdaas dhigto iyagoo fursad u arka sida ay Brazil ugu dagaalantay guul kulankii saaxiibtinimo ee ugu danbeysay ee Serbia.

Macalinka Croatia Niko Kovac ayaa ka yiri Brazil: "Aan si waaqici ah u hadalno, iyaga ayaa marti loo yahay, iyaga ayaana si weyn ugu cadcad.

"Waxaan u imaanay inaan u ciyaarno sida ugu fiican ee aan awoodno”

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda martigelineysa Koobka Adduunka ee Brazil ayaa la filayaa inay ku wajahaan Croatia shax la mid ah tii ay ku gaaraaceen Spain xagaagii hore finalkii Confederations Cup.

Waxa ay taasi la micno tahay in kubadsameeye Oscar ay u badan tahay inuu ku soo bilowdo inkastoo uu qaab ciyaareed hooseeya ku jiray dhaawanahan iyo xiddiga kale ee Chelsea Willian.

Croatia waxaa ka maqan oo ganaax uga maqnaanaya kulanka furitaanka weeraryahankooda Mario Mandzukic, sidaasi darted Nikica Jelavic ama Eduardo ayaa ayaa ciyaari doona booskooda.

Sime Vrsaljko ayaa ciyaari doona daafac bidix isagoo buuxinaya booska uu ka dhaawacan yahay Danijel Pranjic.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Brazil (4-3-2-1): Cesar; Alves, Silva, Luiz, Marcelo; Paulinho, Oscar, Gustavo; Hulk, Neymar, Fred

Croatia (4-2-3-1): Pletikosa; Vrsaljko, Corluka, Lovren, Srna; Modric, Vukojevic; Kovacic, Rakiticl Perisic; Eduardo.

MA OGTAHAY?

  • Brazil ayaa 1-0 ku garaacday Croatia goolkaas uu dhaliyay Kaka kulankoodii kaliya ee Koob Adduun oo ahaa 2006 wareegii group-yada.
  • Labada kooxood ayaa sidoo kale ku kala baxay 1-1 kulankoodii kale ee kaliya ay is arkaan bishii August 2005.
  • Brazil ayaa badisay sagaalkii kulan ee ugu danbeysay, iyagoo dhaliyay 30 gool mudadaas waxaana laga dhaliyay labo kaliya.
  • Guuldaradooda kaliya ee soo gaartay 21kii kulan ee ugu danbeysay waxa ay ka soo gaartay Switzerland bishii August ee sannadkii hore.
  • Kaliya lix ciyaaryahan oo ku jira xulka Brazil ee 23ka ciyaaryahan ka kooban ayaa qibrad u soo yeeshay Koob Adduun.
  • Neymar ayaa dhaliyay 22 gool 28kii kulan ee heer caalami ee ugu danbeysay.
  • Croatia lagama badinin shan kulan tan iyo markii uu Niko Kovac uu macalin u noqday October sannadkii hore, waxa ay badiyeen seddex kulan, waxaana ay barbaro galeen labo kulan kale.