War Degdeg ah: Golaha Guurtida Oo ku dhawaaqay Go'aankii u danabeyey oo Laba Qodob Ah

0
Wednesday February 19, 2014 - 11:34:23 in by Super Admin
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Golaha Guurtida Oo ku dhawaaqay Go'aankii u danabeyey oo Laba Qodob Ah

    Iyo Golihii Wakiilada Oo Fasax Laba Bilood Ah la geliyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyo Golihii Wakiilada Oo Fasax Laba Bilood Ah la geliyey

War Degdeg ah: Golaha Guurtida Oo ku dhawaaqay Go'aankii u danabeyey oo Laba Qodob Ah Iyo Golihii Wakiilada Oo Fasax Laba Bilood Ah la geliyey


Fadhigii golaha wakiilada oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa si deggen oo aan Buuq lahayn uga qabsoomay xarunta golaha wakiilada Somaliland.

Guddigii dhexdhexaadinta golaha wakiilada Somaliland ee ka socotay golaha guurtida ayaa fadhiga ka hor  Akhriyey go’aankooda oo ah laba qodob ka koobnaa.

Qodobka koowaad: in Gudomiyaha Golaha iyo kuxigeenadiisa lagu ridi karo 42 cod.

Qodobka labaad: in muddo xileedka ka hadhsan golaha wakiilada aan la ridi Karin gudoomiyaha golaha wakiilada lana keeni karin mooshin ka dhan ah.


Si kastaba ha ahaatee, fadhigii golaha wakiilada ayaa lasoo xidhay iyadoo labada garabba ay aqbaleen go’aanka guurtida golaha wakiilada Somaliland.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa ku dhawaaqay in golaha wakiiladu fasax  2 bilood ah galay.

Go'aankii Saaka Guddigii ka socday Golaha Guurtidu kaga dhawaaqeen xarunta Golaha wakiilada ayaa  noqday go'aan labada dhinacba qanciyey oo ay ka muuqatay in labada dhinacba Tanaasul weyn sameeyeen, Garabka Cirro aya hore u sheegay in haddi cirro 42 cod in lagu rido loo sharciyeeyo ay Dil Toogasho ah Tahay, halka garabka kalena ay damacsanayeen in marka xeerkaas loo sharciyeeyo ay birta mariyaan Guddomiye cirro oo ay  mariyaan dariiqii uu mariyey labadiisii kuxigeen, balse taas bedelkeeda qodob ku liddi ah hammigoodaas la soo dhigay badka, islamarkaasna la go'aamiyey inaan la ridi karin guddomiyaha muddada ka hadhay muddo xileedka aqalka wakiilada.

Go'aankan oo noqday go'aankii ugu adkaa ee golaha guurtidu go'aamiyaan muddooyinkan danbe ayaa labada dhinacba taageeryaashoodu aad ugu sacab tumeen.




Afkashacabka.com
Hargeysa /Somaliland