CIIDANKA SOMALILAND OO FADHIISIMO KA SAMAYSTAY DULEEDKA SAAXDHEER GACANTA KU DHIGAY SADDEX GAADHI OO LABO TIKNIKO TAHAY

0
Saturday June 14, 2014 - 08:49:20 in by salman abdi
  • Visits: 1408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIIDANKA SOMALILAND OO FADHIISIMO KA SAMAYSTAY DULEEDKA SAAXDHEER GACANTA KU DHIGAY SADDEX GAADHI OO LABO TIKNIKO TAHAY

    Wararka Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Ciidanka Somaliland oo haatan Fadhiisimo Ka Samaystay Deegaanka Saaxdheer ay Gacanta Ku dhigeen Saddex Gaadhi oo Laba Ka mid ahi Tikniko Yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Ciidanka Somaliland oo haatan Fadhiisimo Ka Samaystay Deegaanka Saaxdheer ay Gacanta Ku dhigeen Saddex Gaadhi oo Laba Ka mid ahi Tikniko Yihiin  Halka Gaadhiga Kalenna Yahay Baabuur Waaraad ah oo Saadka Loogu Talo Galay .

Sarkaal Ka Gaabsaday in Magaciisa La shaaciyo oo ka tirsan Ciidanka Qaranka somaliland ayaa sheegay inay Ciidanka somaliland iska caabin aan xooganayn kala Kulmeen kooxo Maleeshiyaad beeleed ah oo Taageersan Cali khalif Galaydh iyo Cali Ciise Waxaanna uu sheegay in Iska Hor imaadkaasi Ka dib Ciidanka somaliland Gacanta Ku dhigeen Hub iyo Baabuur Tikniko ah.

Ma Jiraan Warar dheeri ah oo aanu Ka helnay Xaaladda deegaanka Balse wararku waxay sheegayaa in Magaaladdu hadda Degan tahay isla Markaasna Kooxda Khaatumo ay Ka Baxeen Gudaha Magaaladda Saaxdheer iyagoo u Jahaystay Dhinaca Xuduuda Ethiopian La Wadaagto Somaliland.

Ilaa Hadda si Rasmi ah looma Oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka Balse Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Jiida Hore oo Magaciisa Diiday in La shaaciyo ayaa sheegay in Hal Askari Kaga Dhaawacmay dagaalka Maanta.



Contact@afkashacabka.com