LUIS SUAREZ OO AAN KU SOO BILAABAN DOONIN KULANKA UGU HOREEYA KOOBKA ADDUUNKA EE XULKA URUGUAY
Tababaraha xulka qaranka Uruguay Tabarez ayaa xaqiijiyay in Luis Suarez uusan ku soo Bilaaban doonin kulanka Uruguay ay wajaheyso Costa Rica ee Koobka Adduunka isagoo aan weli taam buuxda aheyn.
Tabarez ayaa shir jaraa’id uu haatan qabanayo waxa uu ku sheegay in wax walba oo dhaca tababarka fiidnimada caawa in Suarez uusan ku soo bilaaban doonin kulanka Costa Rica.
Macalinka Uruguay ayaa sheegay in Cavani iyo Forlan inay ku soo bilaaban doonaan weerarka Uruguay haddii wax walba ay si wacan u dhacaan tababarkooda ugu danbeeya ee manta.
Suarez ayaa ka soo kabsaday qaliin looga sameeyay jilibka, waxaana uu soo fariisan doonaa kursiga keydka kulanka ugu horeeya ee Uruguay ay ciyaareyso Koobka Adduunka.
Contact@afkashacabka.com