Guddigii Dhexdhexaadinta Golaha Wakiilada ee ka socotay Guurtida, iyo Mudanayashi labada Garab u kala qaybsamay

0
Wednesday February 19, 2014 - 13:03:51 in by Super Admin
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddigii Dhexdhexaadinta Golaha Wakiilada ee ka socotay Guurtida, iyo Mudanayashi labada Garab u kala qaybsamay

    oo kulan la qaatay Madaxweyne Siilaanyo kadib Go'aankii Golaha lagaga dhawaaqay ee lagu heshisiiyey labadi dhinac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

oo kulan la qaatay Madaxweyne Siilaanyo kadib Go'aankii Golaha lagaga dhawaaqay ee lagu heshisiiyey labadi dhinac

Guddigii Dhexdhexaadinta Golaha Wakiilada ee ka socotay Guurtida, iyo Mudanayashi labada Garab u kala qaybsamay oo kulan la qaatay Madaxweyne Siilaanyo kadib Go'aankii Golaha lagaga dhawaaqay ee lagu heshisiyey labadi dhinac

Waxa maanta la soo afjaray hadal hayntii golaha wakiilada ee maalmahanba la isla dhex maraayey taasi oo ku soo gebegabawday guul iyo Isfahan ay wada gaadheen garabyadii isku hayey mooshinada, iyada oo door muhiimana ay ka qaateen Golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland.

Kulankaasi ka dibna waxa ay dhinacyadii isku diidanaa Mooshinada ee u kala baxay labada garab iyo Xubno ka mid ah guurtida oo ay hogaaminayaan Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) iyo Gudoomiyaha Golaha WakiiladaMudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), iyo Labada Gudoomiye ku xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf ay go’aankaasi ka dib u soo kicitimeen Qasriga Madaxtooyada iyaga oo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland la socodsiiyey go’aamadii lagu heshiiyey laguna soo afjaray khilaafkii u dhexeeyey ee ay isku hayeen labada garab ee Wakiiladu.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo oo kulankaasi kadib waxa uu soo dhaweeyey go’aanka la isla qaatay waxaanu sheegay inuu ka madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaanba soo dhawaynaayo wax walba oo ay meel isla dhigeen Labada golle, ka madaxweyne ahaana uu diyaar marwalba u yahay wixii danta ummadda iyo ta Qarankuba ay ku jirto, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay go’aanka qiimaha badan ee ay ku soo afjareen golaha guurtidu murankaasi muddada socday.


Qodobada lagu soo afjaray khilaafkii golaha wakiilada ee madaxweynaha loo sheegay ayaa ahaa 

1.In Saddexda Gudoomiye la isugu keeno 42 Cod.

2.In iyaga oo shaqadooda gaba-maahee in aanay meesha iman wax mooshin ah oo lagu ridaayo sadexdooda midna.

3.In Goluhu fasax ahaado inta ka dhiman fasixii ay ku jireen ee la isla qaatay


Waxaana kulankaasi lagu soo gebogabeeyey Duco badan iyo kaftan la isugu sii laabxaadhay shirguddoonkii kala irdhoobay.


Afkasahcabka.com
Hargeysa/ Office