Siyaasi Cali Daacuun oo ka mid ah Siyaasinta ka shaqaysta Somalia ee ka so jeda Somaliland oo Xalay Lagu Afduubtay Magaalada Muqdisho
Warar ay helayso Shabakada afkashacabka.com ayaa sheegaya in xallay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ay ku Afduubeen Siyaasi Cali Max'ed Axmed Cali Daacuun.
Cali Daacuun ayaa laga Afduubay agagaarka Hotel Jasiira oo ku yaala Meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Qaar ka mid Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Afduubka Cali Max’ed Axmed uu daba joogo Shirjiraa’id oo uu shallat Galab ku Qabtay Hotel Jasiira,waxaana Ciidamada Hay’ada Nabadsugida ay ka qaateen Taleefoonkii Gacanta.
Wali lama Oga halka Lagu Xiray Siyaasi Cali Max’ed Axmed cali Daacuun oo ah Siyaasi si weyn oga soo horjeeda Siyaasada uu wax ku Maamulo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud. Siyaasi Cali Daacuun ayaa ah Siyaasi ka soo jeeda Somaliland laakiin Aaminsan Mabda;a somaliweyn.
contact@afkashacabka.com