
Barcelona oo Xavi u sheegtay inayna ka horjoogsan doonin hadii uu doonayo inuu kooxda ka tago xagaagan.
agaasamiha ciyaaraha ee Andoni Zubizarreta balse wax heshiis ah oo kama danbays ah lagama gaadhin mustaqbalka xidiga Barcelona ee Xavi.
Barcelona ayaa Xavi u sheegtay inayna ka horjoogsan doonin hadii uu doonayo inuu kooxda ka tago xagaagan.Tababaraha xooxda reer Carbeedka ah ee Al-Arabi Dan Petrescu ayaa salaasadii sheegay in Xavi u saxeexay heshiis hordhac ah inkasta oo aanu wali Xavi gaadhin go’aan kama danbayn ah.
Xavi ayaa hadda ku sugan Brazil oo uu kaga qayb galaayo koobka aduunka wuxuun hadda ku mashquulsan yahay sidii uu xulkiisu uga soo kaban lahaa guuldaradii ka soo gaadhay Holland iyo inay u soo baxaan wareega xiga.
Tababaraha cusub ee Barcelona aya bishii hore yidhi: "Xavi waa ciyaartoy hore oo aanu ka wada ciyaari jirnay Barcelona waana saaxiib wayn marka uu doono inuu kooxda ka tago waanu wada fadhiisan doonaa waxaananu kala hadlidoonaa waxkasta oo uu u baahan yahay.
Mustaqbalka Xavi ayaa mugdi siigalay iyadoo Barcelina si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Rakitic. Xavi ayaa Barcelona u Ciyaaray 700 kulan wuxuuna kula guulaystay 22 koob.
Barcelona oo Xavi u sheegtay inayna ka horjoogsan doonin hadii uu doonayo inuu kooxda ka tago xagaagan.
Wakiilka Xavi ayaa maalintii salaasada ahayd la kulmay madax waynaha kooxda Barcelona Josep Maria Dartomeu iyo ...