Faalo Xiiso Leh Ciyaarta Caawa:Arsenal vs Bayern Munich
Kaddib guushii Liverpool, Gunners ayaa ku soo dhaweyn doonta garoonkeeda kooxda heysata Champions league ee Bayern Munich lugta koowaad ee wareegga 16-ka koobka horyaallada qaaradda Yurub.
Xiddigaha ka maqan kulankan Arsenal: Thomas Vermaelen, Theo Walcott, Aaron Ramsey, Abou Diaby, Kim Källström iyo Mikel Arteta.
Xiddigaha ka maqan Bayern Munich: Holger Badstuber iyo Franck Ribéry
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Kulanka kooxahan England iyo Germany
dhexmaraya ee Arsenal iyo Bayern Munich ee wareegga 16-ka ayaa ah markii
saddexaad oo ay ku ku kulmaan wareegan, labadii jeer ee hore waxaa soo
gudubtay Bayer Munich oo kala ahaa (2004/05 iyo 2012/13,) Arsenal ayaana
la reebayay.
Arsenal ayaa laga badiyay saddexdii
kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha Germany
ka socda, xagaagii hore Gunners waxaa uga adkaaday garoonkeeda Schalke
iyo Bayern Munich halka Borussia Dortmund ay iyagana ku soo adkaatay
garoonkan xagaagan gaar ahaan wareeggii guruubyada.
Bayern Munich ayaa guul gaartay
labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay cariga England,
labadii kulanna mid walba waxaa ay ku adkaaneysay 3-1,waxaa ay meel
saareen kooxaha Arsenal iyo Man City.
Arsenal ayaa ah kooxda kaliya oo Real
Madrid la wadaagta inay gaarto wareegga 16-ka ee Isreeb reebka xilli
ciyaareed kasta tan iyo 2003/04.
Arsenal ayaa laga badiyay kaliya
saddex ka mid 18-kii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay isreeb-reebka
Champions league, 10 waa ay ku badisay, shan barbaro iyo saddex
guuldaro.
Bayern Munich ayaa gaartay Finalka
Champions league saddex jeer oo kamid ah afartii xilli ciyaareed ee ugu
dambeeyay, haatanna waxaa ay difaacanayaan koobkan kaddib markii 2-1 ay
koobka ugu qaadeen xagaagii hore Borussia Dortmund.
Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee ugu
dambeysay oo Bayern Munich garoonkeeda Allianz Arena gool ugu diida
Champions league, waxaa ay aheyd 13 March 2013, markaas oo Gunners ku
adkaatay 2-0.
Bayern Munich ayaa badisay shantii
ciyaar ee ugu dambeeyay wareegga isreeb-reebka Champions league, waxaa
ay dhalisay 13-gool, hal gool ayaa laga dhaliyay.
Bavarians ayaa sidoo kale badisay
toddobadii kulan ee ugu dambeeyay Champions league oo ay ku ciyaartay
meel bannaanka ka ah Allianz Arena.
Arsenal ayaa siddeed gool ka dhalisay xagaagan Champions league.
Bayern Munich ayaa ah kooxda kaliya ee
sameysay shuudadka ugu badan ee Champions league xagaagan, waana 54
bartilmaameed, waxaana 34 shuut ay dheeryihiin Arsenal oo 19 shuut ka
sameysay xagaagan Champions league.
Afartii gool ee ugu dambeeyay
Champions league oo Arsenal ku dhalisay garoonkeeda, labo ka mid ah
waxaa dhaliyay Olivier Giroud iyo labo kale uu dhaliyay Jack Wilshere.
Arjen Robben ayaa dhaliyay lix gool toddobadii kulan ee ugu dambeeyay uu Champions league ka soo muuqday.
Arsenal ayaa qadka dhexe ku adkeyn doonta Wilshere iyo Flamini iyadoo ciyaartan uu ka ganaaxan yahay Gunners Arteta.
Franck Ribery ayaa isaguna dhaawac ahaan u seegaya wareeggan 16-ka.
Bayern Munich ayaa xagaagii 2005
garoonkeeda ku reebtay Arsenal iyadoo lagu jiro lugta labaad ee wareegga
16-ka, waxaa ay ku hartay Gunners isku celi celis ahaan 3-2, inkasta oo
uu Henry 66 daqiiqo gool u dhaliyay, goolka kale waa ay keensan waayeen
1- 0 ayey ku adkaatay balse sharciga ayaa u diiday inay gudubto.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Kulanka: Arsenal vs Bayern Munich
Garoonka: Emirates Stadium
Garsooraha: Nicola Rizzoli
Tartanka: Wareegga 16-ka Champions league
Taariikhda: 19/02/2014
Saacadda: 10:45 habeenimo geeska Afrika
Maalinta: Arbaco
Safka macquulka ah ee kulankan:-
Arsenal: Szczesny; Gibbs, Mertesacker, Koscielny, Sagna; Flamini, Wilshere; Ozil, Cazorla, Oxlade-Chamberlain; Giroud
Bayern: Neuer; Alaba, Dante, Boateng, Rafinha; Lahm, Schweinsteiger; Tiago, Muller, Robben; Mandzukic.
Diyaariye:Wariye Adnaan Shawahaaye
Afka Shacabka , Holland
Faalo Xiiso Leh Ciyaarta Caawa:Arsenal vs Bayern Munich
Kaddib guushii Liverpool, Gunners ayaa ku soo dhaweyn doonta garoonkeeda kooxda heysata Champions league ee Bayern Munich lugta koowaad ee wareegga 16-ka koobka horyaallada qaaradda Yurub.