Wefti ka socda Dawladda Turkiga Oo Gaadhay Saylac iyo Dayactir ay Ku Samaynayan Xarumaha Taariikhiga ah Ee ay ku Lahaayeen Saylac

0
Saturday June 21, 2014 - 09:08:44 in by Super Admin
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti ka socda Dawladda Turkiga Oo Gaadhay Saylac iyo Dayactir ay Ku Samaynayan Xarumaha Taariikhiga ah Ee ay ku Lahaayeen Saylac

    Wefti ka socda dawladda Turkiga ayaa shalay booqday magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salel,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti ka socda dawladda Turkiga ayaa shalay booqday magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salel,

waxaanay u socdeen sidii ay u darsi lahaayeen hanaankii loo bilaabi lahaa jidka isku xidha Saylac iyo Jabuuti oo dawladoodu hore u balan-qaaday inay dhisi doonto iyo dayac-tir ay ku samaynayaan goobaha taariikhiga ah ee Turkigu ku lahaa magaalo xeebeeda Saylac.


Weftigan oo ka koobnaa toddoba xubnood waxa hoggaaminayay sarkaal ka socday safaarradda Turkigu ku leeyahay dalka Jabuuti, waxaana weheliyay Injineero ka socday shirkad laga leeyahay wadankaasi oo la siiyay qandaraaska lagu hirgelinayo jidhkaasi. Weftigan waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladda Saylac Badhasaabka Salel iyo masuuliyiinta degmadaasi, waxaanay shalay-ba shir muddo saacado ah socday la yeesheen maamulka Gobolka oo ay ka wada hadleen bilowga dhismaha jidkan oo ay sheegeen inay dhawaan bilaabi doonaan.


Badhasaabka Gobolka Salel C/Risaaq Waabari Rooble oo kulankaasi ka dib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay ka wada hadleen sidii ay u bilaabi lahaayeen mashruuca wadada iyo mashaariic kale oo ay ku dhisayaan goobaha taariikhiga ee magaaladda Saylac, waxaanu yidhi "Waxaa maanta (shalay) halkan nagu soo booqday wefti ka socda dawlada Turkiga oo dhowr jeer horena way yimaadeen, imikana waxay u socdaan sidii mashruucaas loo bilaabi lahaa. Waxay noo sheegeen in shirkad ka socota dalkoodu ay dhisi doonto dhawaan jidkan isla markaana ay xiligan soo degayaan magaaladda Saylac.”


"Annaguna waxaanu weftigan u balan-qaadnay maamul gobol ahaan inaanu gacan weyn ka siino wixii hawl fududayn ah ee ay u baahdaan. Waxa kale oo ay noo xaqiijiyeen inay doonayaan inay dib u habayn ku samayn doonaan xarumaha qadiimiga ah ee dawladda Turkigu ay ku lahayd Saylac qaraniyaddii la soo dhaafay,”ayuu yidhi Badhasaabka Salel.

Badhsaabka gobolka Salal C/risaaq Waabari Rooble waxa kulankaasi ku wehelinayay badhsaab ku xigeenka gobalka Salel C/qaadir Aadan Yuusuf,Maayarka degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle, xoghayaha dowladda hoose degmada Saylac Bashiir Cilmi Waabari iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Salel C/Qani Ibraahim Nuur. 


Geesta kalena, Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti saddex Wasiir ka koobnaa oo uu hoggaaminayay ayaa 15-kii bishan Jabuuti kula kulmay danjiraha dalka Turkiga u fadhiya wadanka Jabuuti oo ay isla soo qaadeen sidii loo hirgelin lahaa jidka isku xidha Saylac iyo Jabuuti oo Turkigu balanp-qaaday inuu dhisi doono, waxaanu yidhi "Waxaanu kulan ka qabsoomay Safaraada Dawlada Turkey-gu ku leedahay dalka Jabuuti la qaadanay Safiirka Dawlada Turkey-ga u fadhiya Jabuuti. 


Ugu horayn waxaanu si qoto dheer uga xog waranay xidhiidhka dheer ee Somaliland iyo dawlada Turkey-ga ka dhaxeeya iyo muhiimada jidka isku xidhaya Jabouti iyo Saylac ee ay hirgalintiisa balan-qaadeen dawlada Turkey-gu. Safiirka ayaa dhankiisa cabiray qiimaha iyo dareenka uu u hayo shacabka ku dhaqan Somaliland isagoo si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikheed, diimeed iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal Sidoo kale wuxuu nooga waramay qorshayaasha dawlada Turkey-ga ee ku aadan dib u dhiska iyo dayactirka goobaha taariikhiga ah ee Saylac iyo hirgalinta jidka isku xidhi doonaa Saylac iyo Jabuuti.”


"Guud ahaan safarkan oo muhiimadiisu ahayd dabagalka Jidka Isku Xidhaya Saylac iyo Jabuuti oo aanu hore balan-qaadkiisa uga haysanay dawlada Turkey iyo abaabulka, dardar gelinta iyo gogol xaadhka jidka isku xidhaya Saylac iyo Boorama ayaa noogu soo dhamaaday rajo fiican iyo diyaar garow xoog badan, Shacabka reer Somaliland meel ay jooganba waxaan ku bogaadinaya sida damiirkoodu ugu soo jeedo dhismaha dalka iyo taabo gelinta Qaranka. 







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com