Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Chelsea Garaacday Crystal Palace: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

0
Saturday December 17, 2016 - 22:55:34 in by Burco Office
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Chelsea Garaacday Crystal Palace: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

    Kooxda Chelsea ayaa gaartay guusheedii 11aad ee isku xigta ee horyaalka Premier League ka dib markii ay 1-0 ku qaarjiyeen kooxda Crystal Palace oo marti loogu ahaa Selhurst Park.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa gaartay guusheedii 11aad ee isku xigta ee horyaalka Premier League ka dib markii ay 1-0 ku qaarjiyeen kooxda Crystal Palace oo marti loogu ahaa Selhurst Park.

Guushaan ayaana ka dhigan inay Chelse hogaanka horyaalka ku qabatay sagaal dhibcood oo nadiif ah ugu yaraan ilaa iyo 24 saacadood inta ay ka ciyaarayaan Liverpool iyo Arsenal.

 

 

XIDDIGA GAROONKA

Diego Costa (Chelsea). Waxa uu aamusnaa qeybtii horrelaakiin waxa uu soo bandhigay waxtarkiisa isagoo madax ku dhaliyay goolkii ay Chelsea seddexda dhibcood ku qaateen.

Waxaana uu weerarka u hogaaminayay si fiican qeybtii labaad iyadoo Chelsea ay horumarisay ciyaarteeda. Shaki kuma jiro in dib u helidiisa qaab ciyaareedkiisii fiicnaa inay ka danbeyso inay Chelsea ay si raaxoleh ku hogaamiso horyaalka.

Jaalihii uu qaatay waxa uu ahaa mid uu ka fogaan karay laakiin hadana waa mid ay dani ugu jirto Chelsea, madaama aysan haatan halis ugu jirin inuu maqnaado kulamada adag ee bisha Janaayo.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

CRYSTAL PALACE:Hennessey 7, Ward 7, Dann 7, Delaney 6, Kelly 7, McArthur 7, Cabaye 7, Ledley 6, Puncheon 6, Zaha 6, Benteke 5.

Bedel: Towsend 5, Campbell 5

CHELSEA: Courtois 7; Azpilicueta 8, David Luiz 7, Cahill 7; Moses 7, Kante 7, Matic 7, Alonso 8; Willian 6, Diego Costa 8, Hazard 7.

Bedel: Fabregas 6, Ivanovic 5