Xukuumadda Somaliland Oo La Ogaaday Inay Soo Xero-galinta Siyaasinta Samaale, Faysal Cali Waraabe, Muumin Seed Iyo Jamaal Cali Xuseen Iyo Kharashka Ku Baxay

0
Wednesday December 21, 2016 - 16:34:09 in by Burco Office
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo La Ogaaday Inay Soo Xero-galinta Siyaasinta Samaale, Faysal Cali Waraabe, Muumin Seed Iyo Jamaal Cali Xuseen Iyo Kharashka Ku Baxay

    Xukuumadda Somaliland, ayaa ku kharash garaysay shakhsiyaad kooban lacagtii ugu badnayd ee siyaasad loo isticmaalo. Shan siyaasi oo kamid ah siyaasiyiinta Somalilamd ayaa isu gayn ahaan waxa jeebka loogu shubay lacag gaadhaysa 5 Milyan oo dollar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku kharash garaysay shakhsiyaad kooban lacagtii ugu badnayd ee siyaasad loo isticmaalo. Shan siyaasi oo kamid ah siyaasiyiinta Somalilamd ayaa isu gayn ahaan waxa jeebka loogu shubay lacag gaadhaysa 5 Milyan oo dollar.

Sida ay sheegayaan xoggo rasmi ahi, Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale, oo dudmo kaga maqnaa Xisbiga KULMIYE tan iyo wixii ka danbeeyay xil ka qaadistiisi, ayay xoguhu tilmamayaan in gacanta loo galiyay 500,000$ ( Shan boqol oo kun oo dollar) taas oo keentay inuu dib ula midoobo Xisbiga KULMIYE. Jamaal Cali Xuseen oo isna murashax ka aha Xisbiga UCID, ayaa tanasuulkii uu Muuse Biixi murashaxa xisbiga KULMIYE u sameeyay ka hor waxay Madaxtooyadu farta ka saartay lacag qadarkeedu dhama 600,000$ ( Lix boqol oo kun oo dollar) taas oo heshiisku aha inuu si rasmiya ula midoobo Xisbiga KULMIYE.

 

Geesta kale Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha Xisbiga UCID oo muddooyinkii danbe ay Xukuumadda isku dhawayeen, ayaa isna waxa lacagta ay Xukuumaddu siisay gaadhaysa 500, 000$ ( Shanboqol oo kun oo doolar) oo isugu jira 300,000$ oo loo siiyay guri, iyo 200,000$ oo uu codsaday inuu ku banaysanaayo gurigaas oo dad degenaayeen. Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo ka cadhooday shirkii Gooaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, ayaa isna la

gudoonsiiyay qadar lacageed oo dhan 400,000$ (Afar boqol oo kun oo dolar) lacagtaas oo isugu jirta kaash cadaana iyo mid guri loogu iibiyay, guriga loo iibiyay Axmed Muumin Seed ayaa ku yaala eeriyada Huteelka Maansoor, wuxuuna ka soo horjeeda guriga Wasiirkii hore ee Degaanka Gacamay. Sidoo kale Pro. Axmed Ismaciil Samatar oo dhawaan ku biiray Xisbiga KUlMIYE ayaa kamid ah siyaasiyiinta lacagta xad dhaafka ah la gudoonsiiyay. Arrintan oo noqonaysa markii ugu horeysay ee sixirka siyaasadda Somaliland halkaas gaadho, waxay ku soo beegantay xili abaaro baahsani ka jiraan waddanka, iyadoo gobolada qaarkood ay dadkii gaajo iyo macaluul u dhimanayaan. Dad badan ayaa is weydiinaya lacagta Xukuumaddu ku kharash garaysay siyaasiyiin kooban si ay Xisbiga KULMIYE u tageeraan intee ayay ka tari lahayd samatabixinta dadka abaartu saamaysay.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday.