Xaalada Amaan Ee Hotel Maansoor Oo Khalkhal Gashay Iyo Haayadihii deganaa Oo debeda ka joogsaday

0
Thursday December 22, 2016 - 13:21:41 in by Hargeysa Office
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Amaan Ee Hotel Maansoor Oo Khalkhal Gashay Iyo Haayadihii deganaa Oo debeda ka joogsaday

    Xaalada Amaan Ee Hotel Maansoor Oo Khalkhal Gashay Iyo Haayadihii deganaa Oo debeda ka joogsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Amaan Ee Hotel Maansoor Oo Khalkhal Gashay Iyo Haayadihii deganaa Oo debeda ka joogsaday Hargeysa (AFKA):- Kooxo dhalinyaro ah oo aan heybtooda si rasmi ah loo garaneen ayaa waxaa

ay weerar ku soo qaadeen Hotel Maansoor oo maanta xisbiga Waddani xaflad soo dhaweyn ah ugu sameynayaayey Tageerayaal cusub oo ka soo diga rogtey xisbiga Kulmiye isla markaana ka soo jeeda deeganada waqooyiga Hargeysa .

rabshadan ayayna sababteeda lahaayeen ciidamada ilaalada ee hotel maansoor kuwaas oo dhalainyartan oosidata kaadhadhkii lagusoo casuumay ka qaban waayay isla markaana ka horjoogaysaday hotelkii,

 hase yeeshee warar soo ifbaxaya ayaa sheegaya in hotel maansoor ladoonayo in kooto loogu xidho xisbiga huwanta ah ee kulmiye,, 

intaasi kadib Ciidanka ilaalada ah iyo kooxahan dhalinarda ah ayaa isku faro baxsadey ka dib markii ay kooxahani isku dayeen in ay xoog ku soo galaan Hotelka oo ay rabshado ka dhex sameyaan balse ciidanka gaarka u ah Hotel Maansoor ayaa waxaa ay isticmaaleen Rasaas si ay u kala eryaan kooxahani  isla markaana waxa in muddo ah la maqlaayey dhawaqa rasaasta iyada  oo ay dhalinyadrani isticmaalayeen dhagaxaan ay ku shiidayeen ilaalada Hotelka .

Sidoo kale waxaa iyaguna lagu warhelay haayadihii deganaa hotel maansoor oo marqudha debada ka joogsaday hudheelkii iyaga oo adeegsanaya gaadiidkoodii isla markaana u muuqday kuwa firdhada oo quus ka istaagay xaalada amaan ee hotel maansoor



Si kastaba ha ahatee waxaaa si nabad galyo ah ku soo dhamaatey xaflada soo dhaweynta ah ee xisbiga Waddani u sameyaay tageerasha cusub ee ku soo biiray xisbigooda ee ka soo jeeda deeganda Waqooyiga Hargeysa


 



m.andar
Afkashacabka
Hargeisa office