War Deg Deg Ah: Dhalinyaro Taabacsan Xisbiga KULMIYE Oo Weerar Ku Soo Qaaday Huteelka Maansoor Oo Ay Ka Socotay Xaflad Xisbiga WADDANI Leeyahay

0
Thursday December 22, 2016 - 13:49:05 in by Burco Office
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Dhalinyaro Taabacsan Xisbiga KULMIYE Oo Weerar Ku Soo Qaaday Huteelka Maansoor Oo Ay Ka Socotay Xaflad Xisbiga WADDANI Leeyahay

    Kooxo dhalinyaro ah oo aan heybtooda si rasmi ah loo garaneen balse u hiilinaaya Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo dhalinyaro ah oo aan heybtooda si rasmi ah loo garaneen balse u hiilinaaya Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,

ayaaweerar ku soo qaadeen Huteel Maansoor oo ku yaala Magaalada Hargaysa halkaas oo maanta Xisbiga Waddani xaflad soo dhaweyn ah uu ugu sameynayaayey Tageerayaal cusub oo ka soo diga rogtey Xisbiga KULMIYEisla markaana ka soo jeeda deeganada Waqooyiga Hargeysa .


Ciidanka ilaalada ah iyo kooxahan dhalinarda ah ayaa isku faro baxsadey ka dib markii ay kooxahani isku dayeen in ay xoog ku soo galaan Gudaha Huteelka oo ay rabshado ka dhex sameyaan balse ciidanka gaarka u ah Huteelka Maansoor ayaa isticmaalay Rasaas nool si ay u kala eryaan kooxdan weerarka ku soo qaaday isla markaana waxa in muddo ah la maqlaayey dhawaqa rasaasta iyada oo ay kooxdaas dhalinyaradda ah ee weerarka soo qaaday ay isticmaalayeen dhagaxaan ay ku shiidayeen ilaalada Huteelka Maansoor oo difaac ka galay afaafka hore ee Huteelka.

Si kastaba ha ahatee waxaaa si nabad galyo ah ku soo dhammaatey xafladiisoo dhaweynta ahayd ee Xisbiga WADDANI u sameynaayay tageerasha cusub ee ku soo biiray Xisbigooda ee ka soo jeeda deeganda Waqooyiga Hargeysa.

Falalkan cusub ee ay la soo baxeen tageerayaasha Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa wer wer weyn ku abuuray bulshada Somaliland debad iyo gudo.