Halkan Ka Akhriso Miisaaniyada Sanadka 2017-ka Ee Ay Maanta Ansixiyeen Golaha Xukuumada Somaliland

0
Thursday December 22, 2016 - 21:33:16 in by
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Akhriso Miisaaniyada Sanadka 2017-ka Ee Ay Maanta Ansixiyeen Golaha Xukuumada Somaliland

    Hargeysa(AFKA);Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana koobnayd2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393.


Miisaaniyaddani waaXubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda,


Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.

 

Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:

No Hay'ada SLSH Dollar

1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 258,867,337

2 Hay'adaha Madaxa-banaan 303,338,532,125 50,556,422

3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 34,761,725

4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,268,562,000 16,211,427

5 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 12,722,892,000 2,120,482

Grand Total 2,175,104,355,662 362,517,393

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.