War Deg Deg Ah:Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Sababey Oo Hada Ka Dhacay Magaalada Moqdisho

0
Friday December 23, 2016 - 04:33:44 in by Burco Office
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Sababey Oo Hada Ka Dhacay Magaalada Moqdisho

    Muqdisho(AFKA)Qarax aad u xoogan ayaa waxaa uu goor dhweyd ka dhacay nawaaxiga isgoyska Black sea oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay khasaare isku jira dhimasho iyo dhawaac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Qarax aad u xoogan ayaa waxaa uu goor dhweyd ka dhacay nawaaxiga isgoyska Black sea oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay khasaare isku jira dhimasho iyo dhawaac

Wararka ay shabakada Ilaysnews.com ka helayso goobta uu qaraxu ka dhaca ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday miino la geliyey ama lagu aasay afaafka hore ee geerash halkaas ku yaalla oo dhowaan ay la wareegeen ciidanka NISA ka dib markii la ogaaday in laga soo abaabulay gaadhigii ku qarxay Suuqa beerta ee degmada Waaberi.

 

Qaraxan oo daryankiisa laga maqlay meelo badan ayaa wararka ugu horeeya waxay sheegayaan iney ku dhinteen ugu yaraan sadex ruux oo uu ku jiro askari ka tirsanaa ciidanka NISA ee geerashka ku sugnaa, halka afar kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo iyana isugu jira shacab iyo ciidan sida dad goob joogayaal ah ay saxaafada u sheegeen.


Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada ayaa halkaas gaadhay, kuwaasoo bilaabay howlgalo ay ka wadaan nawaaxiga geerashkas la qarxiyey.

Waa markii labaad ee la weeraro geerashkan tan iyo markii ay dhowaan la wareegeen ciidanka NISA, todobaad ka hor ayeyna aheyd markii xili habeenimo ah dhowr bam gacmeed lagu weeraray isla geerashkan