"Madaxtooyaddii Waxay Isku Badeshay Xero Geel, Golihii Wasiiradu Daarada Madaxtooyadda Ayay Tuban Yihiin Markii Meel Lagu Xereeyo La Waayay,Malaha Madaxweynihiina Ma Oga"Caaqil Cabdilaahi Cabdale

0
Friday December 23, 2016 - 04:35:30 in by Burco Office
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxtooyaddii Waxay Isku Badeshay Xero Geel, Golihii Wasiiradu Daarada Madaxtooyadda Ayay Tuban Yihiin Markii Meel Lagu Xereeyo La Waayay,Malaha Madaxweynihiina Ma Oga"Caaqil Cabdilaahi Cabdale

    Mid ka mid ah Cuqaasha Gobolka Sanaag ayaa si adag u dhaliilay Habdhaqanka Xukuumadda,isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Nidaamdaro baahsan oo uu sheegay inay u sifawday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Waxa uu socod tamashleh oo baadhiyayn ah ku tilm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah Cuqaasha Gobolka Sanaag ayaa si adag u dhaliilay Habdhaqanka Xukuumadda,isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Nidaamdaro baahsan oo uu sheegay inay u sifawday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Waxa uu socod tamashleh oo baadhiyayn ah ku tilmaamay Safarkii ay Gobolada Bariga ku soo mareen Wafti uu Siilaanyo Hogaaminayay,Waxaana uu sheegay inaan waxba loo tarin dadka bakhtiyayay ee ay Waftigaasi soo

mareen,Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta,Waxaanu Beeniyay Lacag uu wasiirkaasi sheegay in dadkaasi la gaadhsiiyay,Waxa kale oo uu Weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Madaxtooyadda oo uu ku tilmaamay wasiir aan ballan lahayn Wasiiraddii soo maray Xukuumaddihii Dalka ka soo arrimiyay.
Caaqil Cabdilaahi Cabdale Siciid Aadan oo Warbaahinta la hadlay,kana mid ah Cuqaasha Gobolka Sanaag ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan,"Kormeer ayaan u baxnay abaaraha ah ayay Xukuumadddu tidhi,Kaambayn ayuu noqday Kormeerkaasi ay dadka jilicdasan ugu tageen, Habeen dhawayd nin Wasiir ah oo ka hadlayay Tv-gu waxa uu lahaa "Wasiir Cadaani”,Wasiirka Warfaafintu,Laba milyan ayaanu ku bixinay,Gobolaasi bari,Waxa uu kala garan waayay shidaalka ku baxayay Waftiga Xukuumadda,iyo Wasiiradda Baadhigoodii iyo Wixii Umadda loo geeyay,Markaa Wasiirka Waxaan leeyahay,Wasiir Caado ayaa lagugu yaqaanay oo Cadaadadii Waxbaa ku darsatay, "Ninbaa waxa uu yidhi Hooyadday Indho la’aan ma ku taqaaneen, Dad cun ayay ku darsatay,Markaa wax kale ayaad ku dartay Caadadii aad lahayd, Wasiirkaasi intaasi ayaan leeyahay”.
Waxa kale oo uu yidhi"Waxa taasi ka daran,Golihii Wasiiradu 120 Nin ayay marayaan,hore looma arag,Waxay la degeen Ciidankii Qaranka,Waxa leeyahay Madaxweynuhu Waxa uu yidhi,Shaqo abuur ayaan ku samaynayaa,Madaxweyne Waxay ahayd inaad u samayso dadka Warshado ay ka shaqeeyaane,Lacagta ku baxaysa Golaha Wasiiradda,Waxaan ku leeyahay Umaddaba way bad baadin lahayd,Waxaad moodaa inay Dawladnimadii meesha ka baxday”.
Waxa uu weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Madaxtooyadda oo uu ku sheegay wasiir aan ballan lahayn waxaana uu yidhi: "Umaddii way jaho wareertay, Gurmadkeedii wuu jaho wareeray, illayn Wadnihii dalka weeyaane, Waa nadiib daro dalka ku soo hoyotay, Madaxweynaha Waxaan ugu baaqayaa inuu fadhiga ka kaco oo uu u gurmado umadii dooratay oo aan lagu hoos layn oo uu ka qabto Budhcada, Golaha Guurtida, Wakiiladda, Shacbi weynaha, Axsaabta siyaasadda, Golaha Dhaqanka, Waxaan ugu baaqayaa dalkani wuu dumay ee in la badbaadiyo, Waxa nadiib daro ah, Dawladdu waxay magacaabaysaa Carruur, Caruur yar yar, kuwo dugsi dhexe ah ayaa la magacaabayaa, Waxaad mooddaa in meesha dawladnimadii ka baxday, Qofkii dalka sidan halaga daayo yidhaa, Waa la dilayaa oo cid ayaa loo soo dirayaa”.
Ugu dambayn waxa uu ka dayriyay Tirada Golaha Wasiiradda oo uu ku sheegay kuwo meel qaada loo laayahay oo Madaxtooyadddu la ciir ciiray wakhtiga Shirka Golaha Wasiiradda,Waxaana uu yidhi "Hadii aanu Golihii dhaqanka nahay Waxaanu ku baaqaynaa in Dalka la bad baadiyo,oo Dawladnimadii iyo Sharcigii wadanku wuu burburay,oo nimanka Xisbiyada wata ee leh Madaxweyne ayaanu doonaynaana Dalka ay wax ka qabtaan,Waxa nasiibdaro ah oo dalka ka dhacday,Madaxtooyaddii waxay isku badeshay Xero geel,Golihii wasiiradu Daarada Madaxtooyadda ayay tuban yihiin markii meel lagu xereeyo la waayay,malaha Madaxweynihiina ma oga oo meel ka sokaysa ayaa dadka laga soo magacaabaa,Waxaan leenahay,Madaxweyne Wixii aad soo qabay yaan ‘Black list” lagaa galine dadkan salkaaga wax ka wada dee wax ka qabo,ilaayn adaa lagu doortee”.ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Suldaankani oo si adag uga hadlay arrintani.

Post Views:161