Madaxweynaha Ugu Da'da Weyn Madaxda Caalamka Oo Mar Kale Isu Soo Taagaya Doorashooyinka Dalkiisa

0
Friday December 23, 2016 - 04:46:14 in by Burco Office
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ugu Da'da Weyn Madaxda Caalamka Oo Mar Kale Isu Soo Taagaya Doorashooyinka Dalkiisa

    Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo ah hogaamiyaha ugu da'da weyn caalamka ayaa Xisbigiisa ZANU-PF waxay mar kale sheegeen inuu yahay musharaxooda doorashada Madaxweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo ah hogaamiyaha ugu da'da weyn caalamka ayaa Xisbigiisa ZANU-PF waxay mar kale sheegeen inuu yahay musharaxooda doorashada Madaxweynaha.

Dad badan ayaa aaminsan in xaaladda caafimaad ee Mugabe aysan wanaagsaneyn, ayna adkaan doonto inuu dalkaas sii hogaamiyo hase yeeshee wuxuu go’aansadey inuu Zimbabwe u taliyo inta noloshiisa ka dhiman.

Mugabe ayaa oggolaadey soo jeedinta Xisbigiisa wuxuuna xusay inuu mar kale doonayo inuu dalkaas sii hogaamiyo.

Mugabe ayaa hadda jira 92 sano, waxaana doorashada soo socota oo ku began labo sano ka dib uu jirayaa haddii uu gaaro 94 sano xiligaas.

Dhaqaalaha dalka Zimbabwe ayaa ah mid aad u hoseeya, shaqo la’aanta ayaa lagu tilmaamaa in ay gaartey heerkii ugu liitay, shirkado badan ayaa kacay, kuwo kalena dalka waa isaga carareen, shacacka dalkaasna faqriga ayaa dilooday.

Robert Gabriel Karigamombe Mugabe ayaa dhashay 21 Febraayo sanadkii 1924-tii waana madaxwaynihii labaad ee wadanka Zimbabwe isagoo xilka qabtay 1987-dii.