WAR DEG-DEG AH: MARXUUM 3 HABEEN KA HOR LAGU DILAY HARGEYSA OO MAYDKIISA LA HELAY

0
Wednesday February 19, 2014 - 20:52:28 in by London Office
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG-DEG AH: MARXUUM 3 HABEEN KA HOR LAGU DILAY HARGEYSA OO MAYDKIISA LA HELAY

    Hargaysa (Afka Shacabka) – Marxuum lagu magacaabi jiray Mubaarig Ibraahim Xuseen oo 26 jir ah, ayaa lagu dilay Magaaladda Hargaysa, marxuumkan oo dilkiisa loo adeegsaday tooray, waxaa laga helay maydkiisa dooxa weyn ee Magaaladda Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (Afka Shacabka) – Marxuum lagu magacaabi jiray Mubaarig Ibraahim Xuseen oo 26 jir ah, ayaa lagu dilay Magaaladda Hargaysa, marxuumkan oo dilkiisa loo adeegsaday tooray, waxaa laga helay maydkiisa dooxa weyn ee Magaaladda Hargaysa.

Marxuumkan oo la dilay saddex habeen ka hor, wuxuu maydkiisu yaala Cisbitaalka weyn, isagoo ku jira talaagada qaboojiyaha leh ee la galiyo dadka dhinta, wariyayaal ka socdo shabakadda Haldoornews.com oo booqday Cisbitaalka Magaaladda Hargaysa, waxay kula kulmeen ehelada Marxuumka la dilay, waxayna wax ka waydiiyeen dilka Marxuumkas, mid kamid ah ehelada Marxuumka oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi. "Marxuumkan waxaa lagu magacaabi jiray Mubaarig Ibraahim Xuseen, muddo saddex habeen ah ayuu hadda sii mootanyahay, ilaa hadda cid loosoo qabtayna ma jirto, ciidamada ammaankuna cidna may qaban, annaguna ma aasayno ilaa cadaaladda la horkeeno cidii dilkan gaysatay.”

 

Taliyaha Ciidamadda Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman, oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino dilka Marxuumkan aan cidna loo hayn ilaa hadda, ayaanay noo suurto galin, kadib markii aanu ku waynay Telefoonkiisa Gacanta. Wixii warar ka soo kordha dilka Marxuumkaas kala soco shabakadda Wararka ee


Afka Shacabka 
Hargeisa