Dareenkii Madaxda Ugu Saraysa Xisbiga WADDANI Ka Bixiyeen Xaalada Dalku Ku Suganyahay Iyo Ficilada Xisbul Xaakimka KULMIYE.

0
Friday December 23, 2016 - 12:04:58 in by Burco Office
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dareenkii Madaxda Ugu Saraysa Xisbiga WADDANI Ka Bixiyeen Xaalada Dalku Ku Suganyahay Iyo Ficilada Xisbul Xaakimka KULMIYE.

    Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga oo dad aan wali la aqoonsani jir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga oo dad aan wali la aqoonsani jir

dileen, kuwaas oo ay sheegeen inay ku haystaan aragtidoodda.


Afhayeenka dhalinyaradda ee xisbiga WADDANI ayaa xalay koox aan wali la aqoonsan dhaawac fudud oo budad iyo feedhadh la dhaceeen wakhti uu sii hoyanayey, halka xoghayaha cadaaladda ee xisbiga WADANI Barkhad Jaamac Butuun ayaa isna laba habeen hor niman aan iyagana la garanayn feedh la dhaceen, kuwaas oo isna dhaawac fudud u geystay.

Maxamed Sidiiq Dhamme afhayeenka dhalinyaradda ee xisbiga WADANI oo ka hadlaya sida loo soo weeraray waxa uu yidhi " Waxa soo wacay shaqsi aanan garaneynin oo hanjabaad igu bilaabay, wax yar kadibna waxaan warbixin hanjabaad gaadhsiiyay Saldhiga Dhexe ee Hargaysa, Taliye Maxamed Case oo aan codka ninka ii hanjabay iyo telka uu iga soo wacayba siiyay, runtii taliyaha waan u mahad celinayaan aadbuu iigu garaabay, cabashadaydiina waxa la diiwaan galiyay. taliyuhu wuxuu iga ballan qaaday waabariga in la baadi goobo doono ninkaa ii hanjabay, sagaalkii fiidnimo ayaan dib ugu noqday Golden Hotel oo aan ugu tagay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, casho iyo sheeko gaara kadib waxaan hoyday tobankii iyo afartan mirir, waxaan degenahay Sheekh-Madar, markaan maraayay geerash Aw-cali qaybta Sheekh Madar dhabarkiisa ayaa gaadhi indha-cad ah oo waddada ka taagan baasha midig rag ka soo degay i hor istaageen biriiggan ka qabtayna waxaa layla boobay bakoorado. Waxaa uu ahaa shirqool qorshaysan Eebbe se waxba iguma yeelin waxaan ahay dhaawac fudud oo gacanta midiga, saddex muraayadood oo midi ta horr tahay oo burburay.”

Waxaanu intaas ku daray "Falka baadhiisa ka hor dhici maayo oo waxa baadhaya laamaha ammaanka, waxaan aaminsanahay dadka sidaa u shaqaynayaa inaanay Xisbi iyo xukuumadd midna u dan ahayn ee ay yihiin qaswadayaal. Waxaan usoo jeedinayaa laamaha ammaanka in si degdega looga jawaabo falkaa foosha xun.”
Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa isna xukuumadda iyo xisbiga kulmiye ku eedeeyey falalka noocan oo kale ah, isla markaana sheegay in ay arrimaha noocan oo kale ah wax ka qabato.

"waxaa ka war qabtaan in xoghayihii cadaaladda nambaro loo geystay laba cisho ka hor, xalay (habeen hore) waxa la dhaawacay afhayeenkii dhalinyaradda xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme, maxay ku mutaysteen dhaawaca, waxay ku mutaysteen kulmiye wax ka sheegteen, arrintaasi waan ka digaynaa”ayuu yidhi musharax Cirro.
Dhinaca kale, waxaa iyaguna ka hadlay ciidamada booliiska Somaliland waxaanay sheegeen inay baadhis ku samayn doonaan, isla markaana arrintaasi ciddii ka dambaysay sharciga hor keeni doonaan.
Sidoo kale, waxa isaguna ka hadlay wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo sheegay in xisbigu sheego qofka waxan samaynaya, isla markaana iyagu tilmaamaan dadkan ay ka cabanayaan.

" Waxaan garan la’ahay waa nala dilay, haddii lagu dilay cidii ku dishay sheeg anaga soo qabaneyna, Cabdiraxmaan Cirro maalintii uu saldhiga tagay ciidankii hadii uu bari xilka qabto uu adeegsan lahaa buu eedeyaneyey, maanta dad baa la iga laayey ayuu leeyahay, markaan hagrano oo cidii cid wax ku samaysa wax laga qaban waayo ha nala eedeeyo, waxaanu idin leenahay cidda wax idin yeesha noo soo sheega oo farta noogu tilmaama, waa hebel dawlladdu mucaarad iyo muxaafad masuul bay ka tahay, oo nabadgalyadooda ayey masuul ka tahay”ayuu yidhi wasiirudawladaha arrimaha guduhu Maxamed Muuse Diiriye.

Waxaanu intaas ku daray " wixii aad tabato noo soo sheeg oo hebel baa sidaas sameeyey dheh, Cabdiraxaman Cirro dawlada ayuu ka mid yahay golaha wakiilada ayuu gudoomiye u yahay oo WADDANI ayuu gudoomiye u yahay, marka si dhaw ha noola xidhiidho oo wixii uu ka cabanayo ha noo sheego, waayo taladdii wadanka ayuu wax ku yeeshay oo ay dawladdu u daysay oo ku saaciday”.