War Deg Deg:Dilalkii Ugu Badnaa Mudooyinkan Oo Caawa Ka Dhacay Qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho

0
Sunday December 25, 2016 - 01:22:02 in by Burco Office
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Dilalkii Ugu Badnaa Mudooyinkan Oo Caawa Ka Dhacay Qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho

    Ugu yaraan afar ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ayaa caawa siyaabo kala duwan loogu dilay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan afar ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ayaa caawa siyaabo kala duwan loogu dilay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Weerarka hore ayaa ka dhacay agagaarka suuqa weyn ee degmada Wadajir ka dib markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay halkaas ku toogteen askari ka tirsan ciidanka nabad sugida iyo qof la socday.

Kooxihii dilalka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in askariga la toogtay uu ka tirsanaa ciidamo ka tirsan nabad sugida oo ilaalalada ka haya bar control oo ku dhow garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa isla caawa xaafada bangaariyada ee degmada hodan waxay ku toogteen labo qof oo shacab ah sida dadka degaanku ay sheegayaan.

Kooxaha dilka geystay ayaan lagu guuleysan in la qabto, mana cadda illaa hadda sababta loo dilay labada nin iyo cida ka dambeysa dilkooda, iyadoo meydka raggan la toogtay ay goobta ka qaateen eheladooda oo lagu soo wargeliyey.

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan ka hadlin dilalkan caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho oo noqonaya kuwii ugu badnaa mudooyinkan ee habeen kaliya laga geysto magaalada.