"Waxaan Dooneynaa Inaan Rikoorka Guulaha Xidhiidhka Ah Ee Epl Barbareyno Kulanka Bournemouth"Gary Cahil

0
Sunday December 25, 2016 - 02:00:10 in by Burco Office
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Dooneynaa Inaan Rikoorka Guulaha Xidhiidhka Ah Ee Epl Barbareyno Kulanka Bournemouth"Gary Cahil

    Daafaca kooxda Chelsea Gary Cahil ayaa sheegay in kooxdiisa Blues ay dooneyso iney barbareyso rikoorka guulaha xiriirka ee horyaalka Premier league

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daafaca kooxda Chelsea Gary Cahil ayaa sheegay in kooxdiisa Blues ay dooneyso iney barbareyso rikoorka guulaha xiriirka ee horyaalka Premier league

ee ay heysto kooxda Arsenal oo ah 12 guul oo xiriir ah sanadii 2002 laakin wuxuu daafaca England qirtay ineysan isaga iyo asxaabtiisa kooxdaasi isku mashquulin ka hadalka arinkaas.

Cahil oo wareysi siinayay Sky Sports ayaa yiri "Ma aha wax aan maalin waliba ka wada hadalno, xaqiiqdii, ma maqlin mid kamid ah wiilasha oo ka hadlaya arintaan, laakin waan ognahay arinkaas qalbiga ayaana ku heynaa, dabcan waana dooneynaa inaan ku lug lahaano guulaha ay kooxda gaareyso”.


"Waan ka war qabnaa in maalinka Boxing Day an heysano fursad aan rikoor ku dhigno, taasoo noqon doonto dhiirogelin dheeri ah, waxaan rabnaa sadexda dhibcood, waana dooneynaa rikoorka, waan la hadli doonaa nafteyda, waxaan doonayaa rikoorka, maxaan ku diidayaan ? waxaa yaala sadex dhibcood iyo rikoor, waana doonayaa inaan helo labadaba”.

Guulaha xiriirka ah ee ay gaarayaan ayaa keenay in Chelsea ay hogaanka horyaalka Premier League waana markii ugu horeysay ee ay xiliga ciida gaalada ay hayaan hogaanka horyaalka ingiriiska tan iyo 2014-15 markaasoo ay hanteen horyaalka.