Guddida Heer Qaran Ee Gurmadka Abaaraha Dalka Somaliya Oo Kulankoodii Ugu Horeeyey Muqdisho Ku Yeeshay Iyo Qodobada Ay Kaga Hadleen

0
Monday December 26, 2016 - 18:54:22 in by salman abdi
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Heer Qaran Ee Gurmadka Abaaraha Dalka Somaliya Oo Kulankoodii Ugu Horeeyey Muqdisho Ku Yeeshay Iyo Qodobada Ay Kaga Hadleen

    Muqdisho(AFKA);Guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha dalka somaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha dalka somaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada muqdisho.

Raysal wasaare ku xigeenka somaliya Maxamed Cumar Carte ayaa warbixin la xidhiidha abaaraha ka dhagaystay wasiiro ka tirsan maamul goboleedyada dalka, iyada oo kulanka si weyn loogu faaqiday sida ugu habeen oo loo bilaabi karo gurmad la gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.Kulankan oo uu gudoominayey raysal wasaare ku xigeenka somaliya oo ah gudoomiyaha guddida heer qaran ee abaaraha ayaa waxa qayb ka ahaa xubno ka socda maamul goboleedyada oo qayb ka ah guddidan kuwaas oo isaga xaal waraystay heerka ay abaaruhu marayaan.


Raysal wasaare ku xigeenka somaliya Maxamed Cumar Carte oo ka hadlaya kulankii ay yeesheen guddida heer qaran ee abaaraha somaliya ayaa waxa uu yidhi "Maanta waxa noo qabsoomay kulankii ugu horeeyey ee guddida abaaraha, waxaan ugu baaqayaa dadka soomaaliyeed ee jooga dalka gudihiisa iyoi dibadiisa inay soo caawiyaan dadkooda ay abaaruhu saameeyeen, iyada oo abaartuna ay wali tahay mid aad u adag.”

 

Raysal wasaare ku xigeenka somaliya Maxamed Cumar Carte oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaanu doonaynaa in gargaarka loo fidinayo dadka abaartu saamaysay uu yeesho hal qorshe oo kaliya si aan hawl galka abaartu u yeelan dhinacyo badan waxaanan ugu baaqaynaa shirkadaha waa weyn, ganacsatada soomaaliyeed, bulshada rayidka ah iyo hay’addaha caalamiga ah inay ka soo qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu saameeyeen.”