Daawo Sawirada: Baaritaanka sababtii keentay Bur burka diyaaradii Ruushka laga lahaa oo bilowday

0
Monday December 26, 2016 - 21:36:23 in by Burco Office
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Baaritaanka sababtii keentay Bur burka diyaaradii Ruushka laga lahaa oo bilowday

    Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in uu bilowday baaritaan lagu sameenayo sababta keentay bur burka diyaarad ay laheed Wasaarada Gasahaandhiga dalkaasi oo maalin kahor ku bur burtay meel ku dhaw Badda Madow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in uu bilowday baaritaan lagu sameenayo sababta keentay bur burka diyaarad ay laheed Wasaarada Gasahaandhiga dalkaasi oo maalin kahor ku bur burtay meel ku dhaw Badda Madow. Diyaaradan ayaa waday 92-qof oo isugu jiray shaqaale, Fanaaniin, Askar iyo dad kale, kuwaa oo dhamaantood ku dhintay shilka diyaaradeed, diyaarada ayaana kusii jeeday magaalada Laktiya ee dalka Siiriya.

Wasiirka Gaadiidka Dowlada Ruushka Maxim Sokolov ayaa sheegay in la baarayo sabab kasta oo keentay soo dhicitaanka diyaarada , waxa uuna tilmaamay in soo dhicitaanka diyaaraddaas ay u badan tahay inay sababtay qalad duuliye ama mid farsamo.

Saraakiil katirsan Dowlada Ruushka ayaa sidoo kale aaminsan in suurto gal tahay in ay argagaxiso ku lug leedahay soo dhicitaanka diyaarada, inkastoo ay yartahay tuhunka laga qabo in argagaxiso ku lug laheed shilkaasi diyaaradeed.

"Wax kasta oo suurta gal waa la baarayaa, laakiin waa wax aan weli waqtigeeda la gaarin inaan ka hadalno in argagixisanimo ay ku lug lahayd arrintan” ayuu yir wasiirka gaadiidka Russa Maxim Sokolov oo Warbaahinta la hadlay.

Diyaarada dhacday oo aheed Diyaarad milatari oo nuuceedu ahaa Tu-154 ayaa bur burtay 20-daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoon diyaaradeed oo kuyaala magaalada Sochi, waxaana hada socda baaritaanka shilkaasi diyaaradeed.