Daawo:Naadiga Halkaraan Oo Soo Bandhigay Laba Habeen Ee U Dambeey Hal Abuur DHalinyaro AH Iyo Barnaamij La Magac Baxay Badbaadi Deegaankaaga

0
Monday December 26, 2016 - 22:00:30 in by Burco Office
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Naadiga Halkaraan Oo Soo Bandhigay Laba Habeen Ee U Dambeey Hal Abuur DHalinyaro AH Iyo Barnaamij La Magac Baxay Badbaadi Deegaankaaga

    Burco(AFKA)Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa Laba Caweys oo Qiimo Bada kusoo Bandhigay Suugaanta Hal Abuuro Dhalinyaro ah oo ka yimid Borama iyo Barnaamij loo Bixiyey Badbaado Degaan oo ay Magaalada Keeneen 3 Carruur ah oo Walaalo ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa Laba Caweys oo Qiimo Bada kusoo Bandhigay Suugaanta Hal Abuuro Dhalinyaro ah oo ka yimid Borama iyo Barnaamij loo Bixiyey Badbaado Degaan oo ay Magaalada Keeneen 3 Carruur ah oo Walaalo ah,
Waxan Bandhiga Sugaantaas iyo Barnaamijkaas oo lagu Qabtay Hotel Deero ka soo qaybgalay Abwaano, Aqonyahano, Dhalinyaro iyo Masuliyiin kala Duwan kuwaaso aad u Bogaadiyey Hal Abuurada iyo Carruurta Walaalaha ee ka socday Ceerigaabo.
Hal Abuur Maxmed Saalax Maare oo Caweyska Hore lahaa ayaa halkaas ka tiriyey qayb ka mida Sugantiisa, isagoo Sxbkiis Abdiraxman Geestiir isaguna ku kabay Waxoogaa Sugantiisa ah.

Munasibadahan oo aad looga Shaqeeyey Qabanqaabadooda Waxa ka hadlay Hogaanka Sare ee Naadiga Halkaraan iyo Xubno ka socday Ururada Gobolka iyo weliba Hal Abuuro kala Duwan oo Dhalinyaro ah.

Waxa iyaguna Caweyskii 2aad Barnaamij Qiimo badan oo la yidha Badbaado Degaan so Bandhigay Saddex Walaalo ah oo ka yimid Ceerigaabo isla markaasna Hogaaminayey Dhalinyaro aqoonyaha oo ka tirsaa Ururo kala Duwa oo uu ka mid yahay Naadiga ANFAC ee Ceerigabo, Cabdirisaq iyo fadumo oo ku hadlayey Afka Dhalinyaradi la socotay 3da Carrura iyo Cabdishakuur oo kamid aha carrurta fikirkBaraamijka Badbaado Degaan iska lahayd ayaa halkaas ka hadlay.

Gebogabadiina Waxa munasibada lagu so Gunaanaday Sugaan ka hadlaysa ilaalinta Degaanka iyo kelmado Dhirigelin iyo Bogaadin u ah Carruurtaasi Da'da yar ee fikirkaas keentay.

Cabdirisaaq Cabdilaahi Sh Aadan (Koronto)
Burco/Office
Contact@Koronto935@gmail.com