Madasha oo go'aan kama danbeys ah ka gaartay kuraasta doorashadooda dib loogu noqonayo ''Akhriso''

0
Tuesday December 27, 2016 - 11:56:16 in by salman abdi
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha oo go'aan kama danbeys ah ka gaartay kuraasta doorashadooda dib loogu noqonayo ''Akhriso''

    Kulankan wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, taarikhdu markay ahayd 15kii-24dii Disember, 2016. Ujeedada kulankan ayaa ahaa go'aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee Golaha S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, taarikhdu markay ahayd 15kii-24dii Disember, 2016. Ujeedada kulankan ayaa ahaa go'aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee Golaha Sharci dejinta Qaranka ee 2016ka. Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)

•Ka dib markii ay dhageysatay warbixinta iyo tallooyinka Guddiga
Xainta Khilaafaadka kullankoodii 26 December -2016
•Ka baaraandegtay nuxurka iyo duruufaha heeraariyey doorashada
kuraasta muranka galey
•Fiiro-gaar ah u yeelatay macluumaadka dheeriga ah ee laga helay xog-isweydaarsiga MHQ iyo GXKHDD

Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay

a. In 5ta kursi ee hoos ku qoran dib loogu celiyo doorasho, laguna qabto mid walba degaaan-doorashadii horey loogu soodoortay, kuwaasi oo kala ah:

1) DRD/0010/PL Ugaar Saleebaan
2) HW/0055/GM Murusade
3) HW/0094/JL Gaaljecel
4) DM/0156/KG Macallin Wayne
5) HW/0208/HSH Jidle

b. Taariikhda dib-u-doorashada kuraastaas iyo abaabulka doorashooyinka waxaa loo xilsaaray guddiyada Doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer Dawlado Goboleed;

c. 7da kursi ee kale oo ka mid ahaa 11kii kursi ee horay uu u hakiyey GXKHDD waa la fasaxay, Waxaana la farayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Fderaal inay xildhibaanada kuraastan ku guuleystay ay
siiyaan shahaadadooda xildhibaannimo.

d. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha
doorashoyinka weli dhiman ee mid walba hor yaal.