Askartii Ugu Horaysan Ee Ku Eedaysan Af-Gembigii Fashilmay Ee Dalka Turkiga Oo Lagu Maxkamadeeyey Magaalada Istanbul

0
Tuesday December 27, 2016 - 16:44:33 in by salman abdi
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askartii Ugu Horaysan Ee Ku Eedaysan Af-Gembigii Fashilmay Ee Dalka Turkiga Oo Lagu Maxkamadeeyey Magaalada Istanbul

    Sagaal iyo labaatan askari oo ka tirsan booliiska Turkiga ayay maxkamadayn uga billaatay xabsi dhexdii iyaga oo ku eedaysan in ay rabeen in ay dawladda inqilaabaan intii uu socday afgambigii dhicisoobay ee bishii July.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sagaal iyo labaatan askari oo ka tirsan booliiska Turkiga ayay maxkamadayn uga billaatay xabsi dhexdii iyaga oo ku eedaysan in ay rabeen in ay dawladda inqilaabaan intii uu socday afgambigii dhicisoobay ee bishii July.

Waa maxkamadayntii u horaysay ee ka dhacda magaalada Istanbul tan iyo markii uu dhicisoobay inqilaabkaasi.

Maxkamadaynta oo afar maalmood socon doonta ayaa billaabatay Talaadodan iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka xabsiga Silivri jail oo ku yaalla duleedka magaalada Istanbul.

Kaw iyo labaatan ka mid ah 29-ka askari ee booliiska ah waxay mutaysan doonaan xabsi daa'in haddii lagu helo eedaymaha loo haysto ee ah in ay qayb ka ahaayeen afgambigii dhicisoobay.

 

Dhamaantood waxaa lagu eedeeyay in ay taabacsan yihiin Fetullah Gulen iyo in ay diideen in ay awaamiirta qaataan si ay u difaacaan madaxwaynaha.

Sideed ka mid ah ayaase loo haystaa eedaymo intaas ka sahlan.

Dawladda Turkiga ayaa xirtay 40,000 oo ruux waxayna shaqada ka eriday in kabadan tiradaas ka dib markii ay qaybo ka mid ah millatariga iyo booliisku ay isku dayeen in ay xilka ka tuuraan madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

Afgambigaas waxaa lagu eedeeyay Fetullah Gulen oo ah wadaad ku sugan dalka Maraykanka.

Wuu diiday eedaymahaas balse madaxwaynaha Turkiga ayaa ka digay in dhaqdhaqaaqa Gulen uu wali ka dhaqdhaqaaqo gudaha dalka.

Askarigii shaqada fasaxa ka ahaa ee dilay safiirkii Ruushka Andrei Karlov ayaa isna lala xiriiriyay dhaqdhaqaaqa Gulen, inkastoo askarigaas uu ku dhawaaqayay magaca magaalada Xalab ee dalka Suuriya ka hor inta aan toogasho lagu dilin.

 

 

 

Source:-BBCsomali