Madaxweyne Obama Oo Dhul U Asteeyay Dadkii Asalka U Daganaa Maraykanka

0
Thursday December 29, 2016 - 14:41:36 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Obama Oo Dhul U Asteeyay Dadkii Asalka U Daganaa Maraykanka

    Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa labo dhul oo waawayn oo faderaalku lahaa u qorsheeyay in ay noqdaan astaaan qaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa labo dhul oo waawayn oo faderaalku lahaa u qorsheeyay in ay noqdaan astaaan qaran.


Labadaas goobood ayaa ku kala yaalla gobolada Utah iyo NevadamTallaabadan ayaa lama taabtaan ka dhigi doonta 650000 oo hiktar oo dhul ah maadaama oo ay dhul barakaysan u arkaan dadkii asalka u daganaa Maraykanka.

Shirkaddaha shidaalka iyo macdanta ayuuna go'aankani ka hor istaagayaa in ay mustaqbalka baaritaan ka sameeyaan.


Obama: Trump ma hogaamin karo USMadaxwayne Obama ayaa sheegay in go'aankiisani uu xaqiijin doono in jiilasha dambe ay ku raaxaystaan deegaanadan taariikhiga ah ee quruxda badan.

Trump: Putin ayaa ka hoggaan fiican Obama

 

Doorashada Trump maxay Afrika uga dhigan tahay?

Laakiin Gary Herbert oo ah gafarnatooraha gobolka Utah ayaa wacad ku maray in uu ku daadali doono in aan la dhaqan galinin qorshahaas.

Wuxuuna madaxwaynaha ku dhaliilay in uu si xun u adeegsanayo awooddiisa uuna iska indha tirayo rabitaanka dadwaynaha.

Dadka arrimahaas ka faalooda waxay sheegayaan in madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump in ay ku adkaan doonto in meesha ka saaro go'aanka madaxwayne Obama.

BBC Somali