Dawlada Denmark Oo Qorshaynaysa Inay Soo Mastaafuriso Boqol Ruux Oo Soomali Ah

0
Thursday December 29, 2016 - 15:35:03 in by salman abdi
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Denmark Oo Qorshaynaysa Inay Soo Mastaafuriso Boqol Ruux Oo Soomali Ah

    Hay'adda Adeegga Socdaalka ee dalka Denmark ayaa haatan baadhitaan ku haysa sida ugu suurtogalsan ee Ku-dhawaad 100 Qaxooti Soomaali ah dib loogu soo celin doono Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Adeegga Socdaalka ee dalka Denmark ayaa haatan baadhitaan ku haysa sida ugu suurtogalsan ee Ku-dhawaad 100 Qaxooti Soomaali ah dib loogu soo celin doono Somaliya.

Qaar ka mid ah Qaxootigaasi ayaa ah Dad tababar daran oo u baahan Badbaadin Caalami, kuwaasi oo ay soo xushay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR si loo dejiyo Waddan 3-aad.

Madaxa Waaxda Magangelyo-doonka iyo Dib-u-celinta ee Golaha Qaxootiga Denmark (Danish Refugee Council), Eva Singer ayaa sheegtay in go’aankaasi yahay mid aan la aqbali karn.

"Marna ma arkin midna gudaha Denmark ama dalal kale wax la mid ah Qorshayaasha o oay samaynayaan, kadib, dhowr

sanno oo dib-u-eegis lagu samaynayo haddii ay Qaxootigaasi dib ugu celin doonaan dalalkooda hooyo” ayey tidhi Eva Singer.

 

Waxay intaasi ku daray in Tallaabadaasi sharci suurto-gal ahayd tan iyo sannadkii 2005-tii.

Dhinaca kale, Afhayeenka Sinnaanta Sinjiga iyo Is-dhexgalka ee magaalladda Enhedslisten ee dalka Denmark ayaa sheegay isla marka Qaxootiga la dejiyo waxay helayaan Badbaadin Joogto ah.

Hay’adda Adeegga Socdaalka ee dalka Denmark ayaa qorsheynayso in 1,100 Qaxooti Soomaali ah lagala laabto Sharciga deganaanshaha ee ay ku joogaan gudaha Denmark, waxaana la filayaa in dib loogu celiyo Somaliua.

Dowladda Denmark ayaa saadaalisay in Xaalladda Ammaanka ee Caasimadda Somaliya ee Muqdisho tahay mid deggan.