Maansada Cusub Ee DAKANO GUMAYSI W/Q Ahmed m ibraahim

0
Friday December 30, 2016 - 02:01:56 in by Burco Office
  • Visits: 1541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada Cusub Ee DAKANO GUMAYSI W/Q Ahmed m ibraahim

    *Dunida yaabkeeda badan *Intay dawan soo tuntay *Hadana dafirtaa dhawaaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*Dunida yaabkeeda badan *Intay dawan soo tuntay *Hadana dafirtaa dhawaaq

*Durbaannada waayahee
*dadyaw mayla dhaadantiin
*Adoo daalkeeda qaba
*Dugsoon aqalkaaga biday
*Hurdana u diyaar ahaa
*Ayuun dabayla jaan
*Doc kale kaaga soo furtaa
*Markaad ka difaac tidhaa
*Daloollada awd tidhaa
*Ayay kaaga sii dartaa
*Daadays kula sii tagtaa
*Markaad dib u noqo tidhaa
*Ayay darbi adag dhigtaa
*Dawgaad sii mari lahayd
*Adoo gabbal kuugu dumay
*Waaqliyo degalkaa qalaad
*Ha joogo inay daryeel
*Docdeeda ku nabad gashee
*Ayay dabar & shakaal
*Laba dible kuu xiidhaa
*Adoo durba quus is dhigay
*Naftana aan doonahayn
*Dugaagu inuu ku cuno
*Ka door biday noloshoo
*Geerina u dadaabo xidhan
*Ayay dabka kuu shidaa
*Darmada aqal kuu dhigtaa
*Dunidu waa dunidan uun
*Dadkaa sayid looga dhigay
*Inay xaqa daalacdaan
*Inay dulmi maanacaan
*Xumaanta iskaga durkaan
*Samaha dawliskii qabtaan
*Daacada rabbigood fushaan
*Daartii shaqadana u gartaan
*Waxsa doorshay dhulkii
*Dabkii ay soo shideen
*Duullaankay nagu hayeen
*Halkiyo dura ay soo wadeen
*Kuwii Rabbi (swt) dafirsanaa
*Doofaarradii reer galbeed
*Dorraad markay naga tageen
*Dambaaburaday shideen
*Dabkii wali muu bakhtiyin
*Duunkaygay addoonsadeen
*Da,yartay iga dooriyeen
*Dijaalkuu dhalay fircoon
*Waxuu daarway dhadhabay
*Daanyeerkii iblaysku waday
*Haweenkay duufsadeen
*Ka daadsheen qiimihii
*Durriyadaydii wacnayd
*Duruustay igu qaldeen
*Waxay dakanooyin iyo
*Dunuub ay iga galeen
*Dareenkagiyo caqliga
*Miyay ka duugoobayaan
*Waxaa taa igaga daran
*Dar ay iisoo boqreen
*Darsiga shaydaan labaray
*Digrii lagu soo tabcaday
*Doofaar oogada madaw
*Siyaasiga duuflalka ah
*Digtoor faataxa aqoon
*Dabadhilif dulli qarsoon
*Duulkaa reer qooma luud
*Usii doonya qaad ahaa
*Markuu darka ceelka galay
*Dadkayguna moogan yahay
*Maxaan darxumooy intaa
*Dagaal kuugula jiraa
*Inaan dabarkaaga jaro
*Haddana dan wadaag is jecel
*Xigtiyo daris kaa dhigtaa
*Ninkii shalay digada gubay
*Maanta dabqulaalka sida
*Ninkaa xaqa daaha sudhay
*Dimuqraadiga ii qor qoray
*Cilmaaniga daahirkaa
*Ka door biday diintayada
*Difaac reer hebel dantood
*Maxaan anna daacadnimo
*U daadshaa roog casoo
*Dadkayguna moogan yahay
*Nimaan daacad ii ahayn
*Dantiisuna kaliya tahay
*Dillaalnimo maalin qudha
*Inuu deexdoo bud dhigo
*Danyare iyo maxasta dagan
*Ilaa sula daba socdaa
*Anoo hadda diidi kara
*Dadkauguna moogan yahay


W/Q Ahmed m ibraahim