Taliska AMISOM oo ka hadlay sawir beryahan si weyn u qabsaday baraha bulshada Soomaalida

0
Friday December 30, 2016 - 12:07:57 in by Burco Office
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska AMISOM oo ka hadlay sawir beryahan si weyn u qabsaday baraha bulshada Soomaalida

    Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sawir maalmahan si weyn u qabsaday baraha bulshada Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sawir maalmahan si weyn u qabsaday baraha bulshada Soomaalida. Waxaa sawirkan laga qaaday ciidanka booliska Soomaaliya oo baaraya askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo ka qeyb galayey xafladii dhaarta xildhibaanada cusub ee labo maalin ka hor ka dhacday magaalada Muqdisho.

Qoraal la soo dhigay barta AMISOM ku leedahay Twitterka ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey talaabada taxadarka leh ee Booliska Soomaalidu u gudanayaan waajibaadkooda iyo dedaalka ay muujinayaan.

AMISOM ayaa intaa ku dartay in arintani ay muujineyso biseylka, howlkarnimada iyo ay muujinayaan ciidanka Booliska Soomaalida.

Dad badan ayaa fikrado isku dhow ka bixinayey talaabada ay booliska Soomaalidu ku baareen askariga ka tirsan AMISOM, waxaana dadka badankood ay soo dhoweeyeen dhacdadan oo dad badan lama filaan ku noqotay.