Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga Somaliland iyo Kuwaa Caalamka Hambalyo iyo Duco u Diray Curashada Sanandka Cusub awgii

0
Sunday January 01, 2017 - 09:17:00 in by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga Somaliland iyo Kuwaa Caalamka Hambalyo iyo Duco u Diray Curashada Sanandka Cusub awgii

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2017-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedaba,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2017-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedaba, Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, siilaanyoMadaxweynuhu waxa uu si gaara Hambalyo iyo Salaan ugu dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidammada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba, kagana jiraan hawlaha qaranka ee ay ka nasanayaan curashada sanadka cusub ee ku beegan Maalinimada Axada ama berrito oo ay taariikhdu noqonayso 01/01/2017. 

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Allah uga baryayaa inay Sannadka 2017-ka, kiisa kale inagu gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo iyo horumar. sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka iyo kuwa Somalilandba u rajaynayaa in Sannadka 2017-ku uu noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni, taama. Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale u ducaynayaa shaqaale weynaha aanu caafimaadku u saamixin inay caafimaadqab ku gaadhan curashada sanadkan cusub bilowgiisa, waxaanu ugu ducaynayaa madaxweynuhu shaqaalahaasi iyo muslimiinta kaleba in uu caafimaad taama siiyo kana dulqaado xanuunka, sanadka sanadkiisana ku gaadhaan caafimaad. 


ALLAA MAHAD LEH 

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)