Mo Farax Oo Dawlada Ingiriisku Ku Dartay Diiwaanka Dadka La Sharfay Sanadka Cusub

0
Sunday January 01, 2017 - 18:59:41 in by salman abdi
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mo Farax Oo Dawlada Ingiriisku Ku Dartay Diiwaanka Dadka La Sharfay Sanadka Cusub

    London(AFKA);Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA);Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay.

Mo Farax oo 33 sano jir ah, wuxuu helay laba billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii Rio, taas oo ahayd guushiisii afaraad ee dahabka.Waa riyo u rumowday Mo Farax oo uu doonayay muddo, sida ay sheegayaan dadka ku dhow.

Wuxuu noqday qofka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbikada ee 5,000m iyo 10,000m.

In la sharfo waxay uga dhigan tahay inuu safarkii dheeraa ee uu u maray uu soo afjaray


Mor Farax.

 

Orod yahankan ayaa asigoo sideed sano jir ah galay dalka Britain, wuxuuna ka tagay Soomaaliya.

"Dibu milicsiga wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimi ee halkan imaaday, kaas oo aan erey English ah aqoon, ma saadaalin karin lahayd inaan maanta meeshaan joogaayo. Waa riyo rumowday," ayuu yiri Mo Farax.

 

 

 

 

 

Source:-BBCsomali