Dhimashada Weerarkii Turkiga Oo Kor U Kacday Iyo Qofkii Falka Gaystay Oo Aan Wali La Hayn

0
Sunday January 01, 2017 - 19:01:43 in by salman abdi
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada Weerarkii Turkiga Oo Kor U Kacday Iyo Qofkii Falka Gaystay Oo Aan Wali La Hayn

    Ugu yaraan 39 qof oo ay ku jiraan 15 ajaanib ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taal magaalada Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee waddanka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 39 qof oo ay ku jiraan 15 ajaanib ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taal magaalada Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee waddanka Turkiga.

Suleymaan Soylu ayaa sheegay in weli ay socdaan dadaalada lagu baadi goobayo qofka weerarka gaystay, kaasi oo loo malaynayo inuu kaligii weerarka fuliyay.Nin hubaysan ayaa abaare 01:30 ee saqda dhexe ee waqtiga maxaliga ah waxa uu rasaas ku furay goobta habeenkii lagu caweeyo ee Reina, xilli dadkii halkaa ku sugnaa ay u dabaaldegayeen sanadka cusub.

Ugu yaraan 69 qof oo kale ayaa lagu dabiibay isbitaalka, wasiirka

ayaa intaa sii raaciyay.

 

Afar qof ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin xaalad adag.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay isku dayayeen inay "qalalaase abuuraan" waxa uuna wacad ku maray inuu "joojin doonin dagaalka" ka dhanka ah argagixisada "ilaa uu ka tirtiro".

'Arxan darro'

Mr Soylu oo la hadlayay weriyayaasha ayaa sheegay: "Waxaa soconaya baadigoobka qofka argagixisada ah. Booliska ayaa wada howlgallo. Waxaannu rajaynaynaa in qofka weerrarka qaaday mar dhaw la soo qaban doono."

Ilaa iyo haatan 21 mayd oo kaliya ayaa la aqoonsaday, ayuu yiri.

15 ama 16 ayuu sheegay in ay ajaanib ahaayeen, halka ugu yaraan 3 qof oo Turki ah oo ka mid ah dadka ay dhintay ay suuragal tahay inay ka shaqeynayeen kalaabkaas.

"Kani waxa uu ahaa xasuuq, oo loo fuliyay si arxan darro ah,'' ayuu yiri.