Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho
Muqdisho(AFKA);Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ku kala saxiixday,magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan joojinta xiisada colaadeed ee magaalada Gaalkacyo.
Hishiiskan mar kale ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa dhigaya in laga shaqeeyo sidii nabad loogu noolaan lahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana si rasmi ah hishiiska u saxiixay madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed C/wali Max’ed Cali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guulleed.
Waxaa goob joog ka ahaamunaasabada hishiiska lagu kala saxiixday, madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, ra’iisal wasaare Sharm’arke iyo wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating.
Marka la eego qodobada lagu hishiiyay waxaa ka mid ah in dib loo furo isu socodka magaalada Gaalkacyo iyo in ciidamo boolis isku dhaf ah la geeyo goobaha dagaalada ka dhaceen.