Wasiir Xaglatoosiye Oo Si Taxadir Leh Uga Hadlay Xil Ka Qaadistii Wasiirkii Biyaha

0
Sunday January 01, 2017 - 19:10:33 in by salman abdi
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xaglatoosiye Oo Si Taxadir Leh Uga Hadlay Xil Ka Qaadistii Wasiirkii Biyaha

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo-toosiye), ayaa markii ugu horraysay ka dareen celiyey sida uu u arko xilka-qaadista hadal haynta badan yeelatay ee dhawaan lagu sameeyey wasiirkii hore ee Biyah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo-toosiye), ayaa markii ugu horraysay ka dareen celiyey sida uu u arko xilka-qaadista hadal haynta badan yeelatay ee dhawaan lagu sameeyey wasiirkii hore ee Biyaha Md. Baashe Cali Jaamac oo ay isku deegaan kasoo jeedaan.

Wasiir Xaglo-toosiye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa qiray inuu wasiir Baashe ahaa shakhsi wax badan qabtay muddadii uu xilka hayey, balse wax diidmo ah kama uu muujin xilka laga qaaday ee dadka intiisa badani ka horjeedeen, "Baashe waa saaxiibkay, xilka-qaadistiisuna waa mid iska jirta oo xilku waa meerto, maanta anigaa halkan jooga, berrina nin kale ayaa joogaya, wax dhibaato ahna


Baashe kuma ogi,” ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

 

Waxa uu Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye intaas ku daray inuu Ex. Wasiir Baashe Cali Jaamac horumar ballaadhan ku tallaabsaday, isla-markaana soo xero-geliyey shacab aan hore Somaliland wax ula qaybsan jirin, waxana uu yidhi,"Baashe waa nin waxqabad weyn muujiyey intii uu wasiirka ahaa, waa nin ku guulaystay inuu soo xareeyo deegaanno aan Somaliland ka tirsanaan jirin, shalay oo ugu dambaysayna waanu wada joognay oo wuu caafimaad qabaa.”

Xilka-qaadistii madaxweyne Siilaanyo toddobaadyo ka hor ku sameeyey wasiirkii hore ee Biyaha Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa noqotay middii loogu hadan haynta badnaa Somaliland gudaheeda, waxana bulshada inteeda badani kasoo horjeesatay xilka-qaadistaas oo loo arkayey mid aan haboonayn, maadaama oo wasiirkaasi karti iyo dedaal badan muujiyey intii uu golaha xukuumadda ka tirsanaa.