Manchester City Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Xidiga Bayern Munich Toni Kroos

0
Monday February 03, 2014 - 09:39:39 in by Super Admin
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Xidiga Bayern Munich Toni Kroos

    Kubad sameeyaha xulka Jarmalka Toni Kroos waxaa siweyn loola xariirinaayay naadiga Man United sidoo kalena xagaaga nagu soo fool leh inuu garoonka Old Trafford ka cayaari doono ayaa sadaaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Kubad sameeyaha xulka Jarmalka Toni Kroos waxaa siweyn loola xariirinaayay naadiga Man United sidoo kalena xagaaga nagu soo fool leh inuu garoonka Old Trafford ka cayaari doono ayaa sadaaliyay.
balse haatan arinka sidaas uma dhici doono madaama kooxda Man City ay shaaca ka qaaday in Kroos uu qayb ka yahay xidigaha ay ahmiyada kowaad siin doonto marka uu xili cayaareedkan dhamaado waxayna City sheegtay inay dhigeeda Bayern Munich wada xaajood la furi doono dabyaaqada xili cayaareedkan sidoo kalena ay ku wareejin doonto £25m waana qiimaha Kroos lagu jebin karo qandaraaskiisa sii dhamaanayo xiligan.

24-jirkan waxaa la hubaa inuusan Munich baaqi kusii ahaan doonin madaama ay isku dhaceen maamulka sare ee Bayern sidoo kalena laga diiday dalabkiisii ahaa in mushaarka loo kordhiyo sidaa darteed Man City ayaa diyaar u ah kooxda ay xifaaltamaan Man United ay ka dul qaado saxiixa Kroos oo haatan ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan dhanka khadka dhexe qaarada Yurub,

macalin Manuel Pelligrini ayaa taageero weyn u ah xidigan wuxuuna maamulka kooxdiisa ka dalbaday inay xooga saaraan sidii Kroos lagu keeni lahaa garoonka Etihad sidaa darteed saxiixa xidigan loolanka loogu jiro ayaa la hubaa inuu xiiso yeelan doono madaama labada naadi ee ka wada dhisan Manchester ay ku raad joogaan inay ka faa’iideestaan qaab cayaareedkiisa wanaagsan