Sanadkii Tagay Ee 2016ka Iyo Dhacdooyinkii Ay Marti Galisay Magaalada Hargaysi

0
Sunday January 01, 2017 - 19:36:48 in by salman abdi
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanadkii Tagay Ee 2016ka Iyo Dhacdooyinkii Ay Marti Galisay Magaalada Hargaysi

    Hargeysa(AFKA);sanadkii tagay caasimada somaliland ee hargaysa waxa ay marti galisay dhacdooyin waawayn oo mid kastaa wakhtigeeda iyo waayahooda lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);sanadkii tagay caasimada somaliland ee hargaysa waxa ay marti galisay dhacdooyin waawayn oo mid kastaa wakhtigeeda iyo waayahooda lahaa.


28kii Bishii juun Sanadkii 2016kii:Madaxwaynaha Somaliland waxa uu kulan iskugu yeedhay Asxaabta siyaasadda Somaliland iyo shirguddoonka baarlamaanka oo lagu war galiyay in ay ka soo taliyaan saami qaybsiga golaha wakiilada sidii loo samayn lahaa taas oo xisbiyadu ku fashilmeen dibna ugu soo celiyeen madaxwaynaha si uu go’aan uga gaadho.

10kii Bishii Septemper Sanadkii 2016waxa uu madaxwaynaha Somaliland Digreeto uu soo saaray ku kala qaaday doorashooyinka madaxwaynaha iyo baarlamaanka oo markii hore ahaa qaar isku mar la doonayay in ay dhacaan,balse markii




danbe digreeto madaxwayne lagu kala qaaday golaha wakiiladu cod gacan tag ah ku meel mariyeen.

 

20kii Bishii Septemar sanadkii 2016kawaxa uu madaxwaynahu ka codsaday maxkamadda sare ee Somaliland in ay Tafsiir ka bixiso kala qaadista doorashooyinka, madaama oo golaha wakiilada cod gacan taag ah ku meel mirayay in doorashooyinka lakala qaado,madaama oo xisbiyada mucaaradku diidmo ka horkeneeney in doorashooyinka lakala qaado.

25kii Bishii Septemper sanadkii 2016Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa uu go’aan kama dambays ah ka soo saaray khilaafkii adkaa ee soo kala dhex galay guddoomiyaha xisbiga ucid iyo musharaxiisa Jamaal cali xuseen oo isku qabsaday in Shirwayn la qabto si Jamaal musharaxnimadiisa dib loogu eego,waxaana ay maxkamaddu ku amartay in ay shirwayne wada qabsadaan.

26kii Bishii Septembar sanadkii 2016kaguddoomiyaha maxkamadda sare isaga oo tix raacaya Qoraalka madaxwaynaha iyo duruufaha ku gedaaman in mar lawada qabto Doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada ayaa ku dhawaaqay in ay maxkamadda ayiday go’aan madaxwayne siilaanyo doorashooyinka ku kala qaaday.

24kii bishii Sebtember sanadkii 2016Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargaysa ayaa wax auu ka garnaqay dacwad u dhaxaysay Wiil Hooyo aanay dhalin haysa oo hooyadii dhashay laga xaday waxaana ay maxkamaddu Baadhis Caafimaad oo ay samaysay ku ogaatay inaanay Hooyadani dhalin,waxaana ay dib ugu celisay hooyadii dhashay maxkamaddu oo dacwad keentay maxkamadda.

19kii bishii October sanadkii 2016shirwaynihii koobaad ee Xisbiga Waddani ee lagu dooranayay musharaxiinta xisbiga waddani uga qayb galaya doorashadda madaxwaynaha ayaa khilaaf hadheeyay u kala qaybiyay xisbiga laba garab kaas oo ay kala matalayeen guddoomiyaha waddani iyo guddoomiye ku xigeenkiisii 1aad oo sheegay in doorashadda ku xigeenka lagu doortay ay xaraan tahay.

8kii November sanadkii 2016waxa labada garab ee xisbiga ucid u kala qaybsamay shirar ay ku kala doorteen musharax madaxwayne iyo guddoomiyaha xisbiga ku kala qabsadeen laba meelood oo kala duwan taas oo gudida ururada shirci daro ku tilmaamtay shirka Jamaal tageertayna musharaxnimada faysal cali waraabe.

21kii bishii December sanadkii 2016xukuumadda Somaliland waxa ay wada hadal lafurtay Maamulka Khaatumo iyada oo doonaysay si ay tabashadda ay qabaan uga saarto taas oo go’aamo adag shirkaasi lagu kala qortay,halka Somaliland uu shirkaasi guddoomiye ugu matalayay wasiirka arimaha dibada, maamulka khaatumana guddoomiyaha baarlamaanka.

18kii bishii December sanadkii 2016shirwaynihii garabka dhalinyarada ee xisbiga kulmiye ayaa markii ugu horaysay ka qabsoomay magaalada hargaysa taas oo lagu doortay Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada ee xisbiga.

9kii Bishii Ogosto sanadkii, 2016Golaha wakiilada Somaliland waxa ay cod gacan taag ah ku meel mariyeen heshisika xukuumadda Somaliland lasoo gashay shirkaddaDPWOo maal galin ku samaysaysa Dekeda way nee berbera oo ay ka soo dagaan alaabooyin kala gadisani.

18kii bishii Augost sanadkii 2016madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxa uu safar uu xogogaal ugu noqday Abaaraha dalka ka jira ugu baxay gobolada bariga Somaliland oo ay ka jirto abaar aad u darin oo sahayatay dadkii iyo duunyadii.