Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooy Oo Sheegay In Dalkiisu Maraayo Xiligii Uu Samaysan Lahaa Sawaariikh Xambaari Karta Nukliyeerka

0
Sunday January 01, 2017 - 19:41:25 in by salman abdi
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooy Oo Sheegay In Dalkiisu Maraayo Xiligii Uu Samaysan Lahaa Sawaariikh Xambaari Karta Nukliyeerka

    Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in dalkiisa uu u dhaw yahay inuu tijaabiyo sawaariikh isaga kala gudbi karta qaaradaha oo xambaari karta hubka nukliyeerka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in dalkiisa uu u dhaw yahay inuu tijaabiyo sawaariikh isaga kala gudbi karta qaaradaha oo xambaari karta hubka nukliyeerka.

Waxa ay marayaan heerkii ugu dambeeyay, sida uu kaga dhawaaqay farriintiisa sanadka cusub ee taleefishinka laga sii daayay.

Waxa uu sheegay in dalkiisa uu leeyahay awood milateri.

Pyongyang ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa ay laba jeer tijaabisay hub nukliyeer ah, sidoo kalana waxa ay riday gantaal ay tiri waxa uu dayar gacmeed u qaadi doonaa hawada sare.

Qararada Qaramada Midoowbay ayaa ku baaqday in la soo afjaro tijaabooyinka nukliyeerka iyo gantaalada Kuuriyada Waqooyi ay sameyso.

Labada dhinacba dan ayaa ugu jirto Kim inuu ka hadlo awoodda dalkiisa.Kim Jong-un ayaa waxa uu la hadlayay laba shacab oo midna uu gudaha dalka ku sugan yahay iyo mid dibadda ah, gaar ahaanna Qaramada Midoobay.

Ma uusan sheegin inuu gaaray himiladiisii aheyd inuu sameysto sawaariikh qaadi kara hub nukliyeer ah oo uu isku halayn karo oo ku filan kana gudbi kara qaaradaha, hasayeeshee in la gaaro guusha noocaas ah ay aad u dhawdahay.

Khubarada ku sugan bannaanka dalkaasi ayaa u badinaya in ay suuragal tahay in wax ka yar shan sano ay middaasi ku qaadan karto.

Diblumaasiga u dhashay Waqooyiga Kuuriya ee ka baxsaday safaaradda uu dalkaasi ku leeyahay magaalada London ayaa qiyaasaya in wixii loo gaaro dhammaadka 2017-ka ay Kuuriyada Waqooyi arrintaa gaari karto.

Ma cadda waxa madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka ee Donald Trump uu ka sameyn doono arrintaasi.

Khubarada milateriga ayaa sheegaya in barnaamijka nukliyeerka Kuuriyada Wagooyi uu aad u horumarsan yahay, si weynna looga dhowray in xoog lagu burburiyo.

Goobaha ugu muhiimsan ee lagu sameeyo hubka nukliyeerka dalkaasi ayaa ah kuwo qarsoon oo teel teel ah.