
Daraasad Cusub Oo Daaha Ka Rogtay Wadamada Ay Ka Soo Jeedaan Ciyaartoyda Kooxaha Premier Leaque-ga Waqtiga Ugu Badan U Saftay Xili Ciyaareedkan 2016/17 Warbxin
Goolkii ugu horeeyay ee uu xidiga Manchester United ee Mkhitaryan uu ka dhaliyay Premier Leaque-ga kulankii Tottenham ayuu ku noqday xidigii 96 aad ee wadamo kala duwan ka soo yeeda oo horyaalka Premier leaque-ga gool ka dhaliyay waxaana sidoo kale jira wadamo ay ciyaartoydoodu ka ciyaarto Premier Leaque-ga oo aan wali goolal dhalin taas oo muujinaysa sida ay wadamada aduunku ugu badan yihiin Premier Leaque-ga.
Haddaba daraasad cusub oo uu Sky Sports ka sameeyay ciyaartoyda Premier Leaque-ga, wadamada ay ka soo jeedaan iyo daqiiqadihii ay xili ciyaareedkan 2016/17 u safteen kooxaha ree England ayaa la soo bandhigay waxayna kooxuhu ku kala duwan yihiin ciyaartoyda daqiiqadaha ugu badan u ciyaaray wamada ay ka soo jeedaan.
Ciyaartoyda ka soo jeedada wadamada Spain, England, Argentina iyo France ayaa noqday xidigaha daqiiqadaha ugu badan xili ciyaareedkan kooxaha Premier Leaque-ga uga soo muuqday Premier Leauqe-ga, waxaana xogtan ku jira ilaa kulamadii 19 aad ee kala badhka xili ciyaareedka Premir Leaque-ga.
Kooxda Arsenal ayaa boqolkiiba 19.94% ay daqiiqdaha ugu badan u ciyaareen xidigo ree Spain ahi waana wadanka kowaad ee ay ciyaartoydiisu Gunners waqtiga ugu badan xili ciyaareedkan u safteen halka France (16.79%) iyo England (14.64%) ay yihiin wamada labaad iyo saddexaad ee ay xidigaha ka soo jeedaa waqtiga ugu badan u safteen Gunners.
Sidoo kale ciyaartoyda ree Spain ayaa kaalinta kowaad kaga jira kooxda Chelsea waxayna safteen boqolkiiba 30.99% waana ciyaartoyda waqtiga ugu badan ka soo muuqday kooxda Conte. Laakiin kooxaha ugu badan ayay ciyaartoyda ree England u tahay kuwa daqiiqadaha ugu badan u saftay. Haddaba wadankee ayay kooxdaadu ciyaartoydeeda waqtiga ugu badan u isticmaashay kulamadii Premier Leaque-ga?
Haddaba halkan kaga bogo koox kasta wadamada ay ciyaartoydoodu waqtiga ugu badan u safteen w iyada oo qaybta ay ku qoran tahay‘First Nation’ay ku jiraan ciyaartoyda ay kooxihi waqtiga ugu badan xili ciyaareedkan kooxdeeda u isticmaashay, sidoo kale qaybta ay ku qoran tayay‘Second Nation’Waxaa ku jira ciyaartoy kaalinta labaad u ah koox kasta ee daqiiqaha ugu badan ka soo ciyaaray haka qaybta‘Third Nation’ay ku jiraan wadamada ay ciyartoydoodu kaalinta saddexaad kag jiraan xidigaha inta ugu badan la isticmaalay xili ciyaareedkan.







0 

Daraasad Cusub Oo Daaha Ka Rogtay Wadamada Ay Ka Soo Jeedaan Ciyaartoyda Kooxaha Premier Leaque-ga Waqtiga Ugu Badan U Saftay Xili Ciyaareedkan 2016/17 Warbxin
Waxaa jira ciyaartoy tiro badan oo ka soo yeeda wadamo kala duwan oo ka ciyaaraha horyaalka xiisaha badan ee Premier Leaque-ga waxayna koox kastaaba haysataa ciyaartoy ka so kala jeeda wadamo iyo qaarado kala duwan. Ugu dhawaan ciyaartoyda wamada adu