
kooxda Arsenal oo gurigeeda loogu awood sheegtay OEzil oo fursad ka khasaariyey iyo Gool hayaheedii oo Kaadh Cas la siiyey
Kooxda Arsenal oo intii ugu badnayd Tobon Ciyaaryahan ku ciyaaraysay
Holland (Afka Shacabka) Kooxda Arsenal ayaa gurigeeda loogu awood sheegtay kadib markii ay Bayern Munich ka badisay Tartanka Champions League.
Ciyaartan dhexmartay labadan kooxood oo ahayd lugtii kowaad ee
wareega 16-aad ee Tartanka Champions League, ayaa kooxda Bayern Munich
kaga badisay 2-0, waxaana goolka hore u dhaliyey Bayern Munich
daqiiqadii 54-aad Toni Kroos.halka goolkii labaadna uu u dhaliyey Thomas
Müller daqiiqadii 88-aad.
haddaba waxa xusid mudan in Ciyaartan labada kooxoodba ay iska
khasaariyey fursado ay goolal ku dhalin kareen, kadib markii Mesut Özil
daqiiqadii Sagaalad ee Ciyaarta uu kooxdiisa ka khasaariyey Rikoodhe,
taas oo haddii uu Rikoodhahaas uu dhalin lahaa rajo aad u wanaagsan heli
lahayeen,
dhinaca kale kooxda Bayern Munich ayaa iyana dhankeeda Rikoodhe
iska khasaarisay, waxaana Rikoodhahaas ka khasaariyey David Alaba.
balse markii ay ciyaartu socotay 38-daqiiqo ayaa Goolahayaha kooxda
Arsenal kaadh cas lasiiyey kadib markii uu khalad galay. taas oo niyad
jab ku keentay Ciyaaryahanadii iyo Taageerayaashii kooxda Arsena,
sidoo kale Lugta Labaad ee Ciyaartan oo lagu ciyaari doono Garoonka
kooxda Munich ayaa waxa la eegi doona sida ay wax noqdaan, iyada oo
sanadkii hore isla kooxda Munich ay reebtay Arsenal. iyada oo ku
guuleeystay koobkii. balse Arsenal oo ciyaarta intii ugu badnayd ku
ciyaaraysay 10-ciyaaryahan ayaa iska difaacday.
Afka Shacabka
Holland
kooxda Arsenal oo gurigeeda loogu awood sheegtay OEzil oo fursad ka khasaariyey iyo Gool hayaheedii oo Kaadh Cas la siiyey
Kooxda Arsenal oo intii ugu badnayd Tobon Ciyaaryahan ku ciyaaraysay Holland (Afka Shacabka) Kooxda Arsenal ayaa gurigeeda loogu awood sheegtay kadib markii ay Bayern Munich ka badisay Tartanka Champions League.