Wargeyska The Star Ee Kenya Oo Raali Gelin Ka Bixiyay Warbixintii Uu Ka Qoray Weftiga Waddani Iyo Cidda Warka Been Abuurka Ah U Gudbisay Oo Uu Sheegay

0
Tuesday January 10, 2017 - 11:12:08 in by Burco Office
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska The Star Ee Kenya Oo Raali Gelin Ka Bixiyay Warbixintii Uu Ka Qoray Weftiga Waddani Iyo Cidda Warka Been Abuurka Ah U Gudbisay Oo Uu Sheegay

    Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa raalli gelin ka bixiyay warbixin uu hore uga qoray wefti guddoomiyaha Waddani hoggaaminayay oo Nayroobi tagay bishii hore. Wargeyska ayaa hore u sheegay in kulan midnimada Somaliland iyo Somalia ku s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa raalli gelin ka bixiyay warbixin uu hore uga qoray wefti guddoomiyaha Waddani hoggaaminayay oo Nayroobi tagay bishii hore. Wargeyska ayaa hore u sheegay in kulan midnimada Somaliland iyo Somalia ku saabsan dhexmaray Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid oo haatan u ordaya musharraxa madaxweyne.

Warbixin wargeysku daabacay maanta waxa uu ku sheegay in warbixinta uu daabacay 23 December ee nuxurkeedu ahaa in kulan dhexmaray Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Cumar Cabdirashiid ahayd mid la been abuuray, islamarkaana nidaam xayaysiis loogu soo gudbiyay wargeyska waxaana uu wargeysku yidhi " Star wuxuu daabacay 23 December in guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland kulan kula yeeshay Hotelka Serena ra’isal wasaaraha Somalia, haseyeeshee hadda waxaa caddaatay in warbixintaasi ahayd mid ay been abuureen cid siyaasadda kula hirdamaysa xisbiga Waddani. Sawirka muujinaya Cabdiraxmaan Cirro oo la sawiran Cumar Cabdirashiid waa mid la footo-shoob-gareeyay oo ka kooban saddex sawir oo kala duwan oo la isku geegeeyay,” ayuu wargeysku ku sheegay warbixintiisa raali gelinta ah.

Tifaftiraha wargeyska Star ayaa sheegay in warbixinta ay daabaceen cidi u soo dusisay "Waxaanu leenahay siyaasado sharci oo adag, kuwaasi oo faallada ka soocaya xayaysiiska. Habkani waxaa gacan bidixeeyay cid dibadda naga ah oo aan la aqoonsan laakiin, hadda tallaabo ayaa laga qaaday hannaanka hubinta si aanay dhacdadan oo kale u soo noqon,” ayuu yidhi tifafiraha Star Charles Kerich.

 

Xisbiga Waddani ayaa hore u sheegay in xisbiga Kulmiye lacag ku bixiyay wararka noocaas ah laakiin, wargeyska oo soo xigtay qoraal guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro soo xigtay ayaa muujiyay in arrintaasi ahayd war si xayaysiis ah lacag loogu bixiyay.

Halkan Guji Oo Ka Akhriso Raali Galintaas uu Wargeysku Qoray


Image may contain: one or more people