Deg Deg:Xildhibaannada Galmudug oo kalsoonadii kala laabtay madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed.

0
Tuesday January 10, 2017 - 12:33:06 in by salman abdi
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:Xildhibaannada Galmudug oo kalsoonadii kala laabtay madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed.

    Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Cadaado ayaa sheegay in xildhibaannada Galmudug kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Cadaado ayaa sheegay in xildhibaannada Galmudug kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed.

Kulanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Xareed Cali Xareed, waxaana cod kalsoonida kala laabtay madaxweynaha 54 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka oo ka mid ah 89 xildhibaan ee baarlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in waxa ka socda Cadaado lagu tilmaami karo Fowdo iyo sharci darro, isaga oo intaa ku darray in uusan aqoonsan doonin natiijo kasta ka soo baxda fadhiga baarlamaanka.

Siddoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa horay u sheegay in 45 cisho fasax dheeraad ah la siiyay xildhibaannada, sababo la xiriira sida uu hadalka u dhigay abaaraha ka jira deegaanka oo u baahan ayuu yiri in loo gurmado.

Wixii warar ah ee ka soo kordha arintan waan idin soo gudbin doonaa.