Madaxweynaha Somaliland oo Maanta, Xadhig ka jaris, dhagax dhig iyo kormeer ku sameeyey mashaariic ay xukumaddu waddo.+SAWIRO

0
Thursday February 20, 2014 - 15:21:49 in by Super Admin
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Maanta, Xadhig ka jaris, dhagax dhig iyo kormeer ku sameeyey mashaariic ay xukumaddu waddo.+SAWIRO

    Maaha markii ugu horeysay ee shaqo noocan oo kale ah u baxo madaxweynuhu waxa uu bishiiba mar u soo baxaa u kuurgelida horumarka ka socda dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maaha markii ugu horeysay ee shaqo noocan oo kale ah u baxo madaxweynuhu waxa uu bishiiba mar u soo baxaa u kuurgelida horumarka ka socda dalka

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta, Xadhig ka jaris, dhagax dhig iyo kormeer ku sameeyey mashaariic ay xukumaddu waddo.+SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu manta Xadhig ka jaris, dhagax dhig iyo kormeer ku sameeyey meelo ka mid ah caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo lug ku soo maray Wadooyinka Caasimada ee Dhismaha dib u habayntu ka socdo kuwaas oo beryahanba ay ku hawlanaayeen Dawlada Hoose Caasimadu, oo wada qurxinta iyo bilicda wadooyinka caasimada Somaliland, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Dhismaha Cusub ee loo sameyeey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Sanduuqa horumarinta dhaliyarada Somaliland, isaga oo madaxweynuhu sanduuqaasi ugu deeqay kuna Riday 100,000 oo Dollar oo noqonaysa deeqdii ugu horeysay ee sanduuqaasi ku dhacda.

 

Madaxweynaha oo fulinaya balanqaadyadii dhalinyarada kuna hawlan horumarinta iyo dhiirigelinta da’a-yarta Somaliland ayaa waxa uu ugu deeqay dhulkii laga dhisi lahaa Dhisme Xafiisyo u noqon-doona Dallada Dhalinyarada Somaliland ee loo yaqaan SONYO taasi oo madaxweynuhu u asteeyay in laga dhiso Rugtii hore ee wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaruhu ay ku jiri-jirtay oo Madaxweynuhu uu isla maantaba u dhagax-dhigay, dhalinyarada Sonyo inay ka hirgeliso dhisme ay ugu shaqeeyaan da’a yarta Somaliland.

 

Sidoo kale madaxweynaha oo ku guda jira hawlihii shaqo ee uu ku soo kormeerayey adeegyada xukuumadu ugu talo gashay inay ku horumariso wadanka ayaa waxa uu booqasho ku tegay Xarunta Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta oo uu ku bookhday Qalabkii shalay soo gaadhay Caasimada ee loogu talo galay Wadada Ceerigaabo ee madaxweynuhu hore u balan qaaday una dhagax dhigay.

 

Madaxweynaha ayaa ujeedada kormeerkiisani ahayd mid uu ugu kuurgelaayo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo xaaladda uu ku sugan yahay iyo halka ay wax marayaan waxaana uu madaxweynuhu sidii hore u caadada ahayd uu dhawrkii biloodba mar si kedisa ku bookhdaa meelaha uu u doortay inay u baahan tahay dardar gelin iyo dhiiri-gelinta hawlaha qaranka waxaanu madaxweynuhu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay keenida iyo hirgelinta hamigisii ahaa in wadada ceerigaabo uu noqoto mid ka hana qaada Somaliland oo aan loo kala hadhin Shicib iyo dawladba.

 

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu markii uu soo dhammaystay kormeerkiisa ku soo noqday Qasriga madaxtooyada .

 


 



Afkashacabka.com

Hargeysa/Offie